Xuska 31-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM (17/10/1984kii – 17/10/2015ka). Qaybta 8aad

 

“Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane,

Gebgebteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye,

Geeddiga cagaa daaliyaa, lagu geyoodaaye,

Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan-habaqlaaye,

Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye,

Gar-garaaciddeediyo ha deyn, geed-ka-didinteeda,’’

 

Gud-gude, Hadraawi, 1990kii

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormada: 8aad

18/10/2015ka, Hargeysa,

 

“Shaqadii ugu horreysay ee uu qabtay waxay noqotay Taliyaha Dugsiga Dhexe ee Gaadiidkii Ciidanka. 1971kii markii la laayay saraakiishii inqilaabka lagu eedeeyay ee ay Janaraal Caynaanshe iyo ka midka ahaayeen, wuxu ka mid noqday saraakiil yar-yareyd oo lagu tuhmay in aanay ‘Kacaanki’i aad ula socon. Beddel qasab ah ayaa lagu geeyay ama loogu beddelay Akaademi cusub oo Kismaayo markaa laga furay oo saraakiisha lagu leylyi jiray. Macallin buu ka noqday. Kismaayo wuxu ku suugnaa oo Akaademiyadaa macallin ka ahaa ilaa 1973kii.”

 

“1973kii mar labaad ayaa canaad ahaan iyada oo la niyad-jebinayo loo soo beddelay Dugsi lagu baran jiray Taangiyada oo laga furay Guutadii 2aad ee Taangiyada. Dugsigaas ayuu madax ka noqday. Dhallinyaro carbis ahayd ayaa lagu bari jiray Taangiyada.

 

1975kii ayaa loo diray wershed ku taallay magaalada ‘Shitoomir’ oo Xarunta ‘Kiev’ u dhaweyd oo lagu kabi jiray ama dayac-iri jiray Taangiyada nooca 55-ka loo yaqaan. Markii halkaa la geeyay waanu wada soconnay. Siddeed bilood ayaanu halkaa joognay. Markii aanu Soomaaliya ku soo noqonnay waxaanu nimid iyada oo ay dhan yihiin Wershadaha Taangiyada lagu kabo: Tii Muqdisho iyo tan Hargeysa. Wuxu noqday Injineerka Guud ee Warshaddii Kabka ee Hargeysa muddo yar ka dibna waxa bilaabmay dagaalkii 1977kii dhex maray labadii nidaam ee Mengistu iyo Siyaad Barre.”

 

Mujaahid Ciise Curaagte ha I noo sii wado aqoontii uu u lahaa Lixle:

 

“Markii la is-qaybiyay waxa isaga lagu soo qaybiyay Kulmiskii Woqooyigan, Qaybta 26aad, ayaa looga dhigay sarkaalka Teknikada ee Kulmiskaa. Markii uu dagaalkaa galay wuxu ahaa Mijir ama Gaashanle, markii dagaalkii dhammaaday wuxu noqday Gaashaanle Dhexe, waxaana la keenay Hoggaankii Farsamada guud ee Wasaaraddii ee Gaashaan-dhigga. Intii uu Hoggaankaa joogay ayuu noqday Gaashaanle Sare.

 

1980kii iyada oo food-saaro looga dhigay in uu ku jiray Dhaqdhaqaaqii Waddaniga ahaa ee Soomaaliyeed ee SNM ayaa shaqadii laga saaray. Sidaa darted ayaa hoggaankii qarsoonaa ee abaabulkii SNM ugu soo beddelay magaalada Hargeysa si uu hawlaha halganka u hoggaamiyo oo abaabulka SNM gacanta ugu qabto.

 

Sidii ay arrintu sidaa u ahayd, isaga mar-marsiiyo ka dhigtay in uu dhubbato beer ku leeyahay oo uu ka shaqaysanayo ayuu hoggaan ka noqday Hawl-galkii lagu jebiyay Xabsiga Dhexe ee Mandheera 2/1/1983kii. Markaa ka bacdi waa ay u suurtoobi weyday in uu waddanka gudihiisa ku jiro, waxaanu u soo baxay Qaaxo bishii Juun 1983kii, waxaana markiiba loo doortay Xoghayaha Ciidammada Xoreynta ee SNM, waxaanu ka mid noqday Guddidii Fulinta iyo Golihii Dhexe ee SNM.”

 

1984kii ayay SNM go’aansatay in ciidammadii Awaare ka baxay gudaha la geliyo oo uu Taliye ka noqdo Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle oo ay si joogto ah gudaha dalka ugu sugnaadaan. Sidaas ayaa Guutadaa Sayid Cali la magac-baxday lagu soo weeraray, bal se cadawgii lagaga guulaystay.

 

Idinka oo raalli iga noqon doona waa taariikhdii koobnayd ee Shahiid Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyay ee soo gala SNM. Wuxu ahaa kuwa doorka roon geesiyaashii SNM soo maray. Wuxu ahaa tusaale nool oo lagu daydo. Wuxu ahaa nin keni-adayg iyo dhiirranaan la yaab leh u dhashay oo aan Faqashta iyo dirkeedba aan waxba iskaga tiring jirin. Nin higsi iyo himilaba leh ayuu ahaa. Wuxu ahaa geesi yaqaannay halka uu ka guurayay iyo halka uu geeddi u ahaaba.

 

Naxariistii janno Ilaahay ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

Gebegebada sheekada:

 

Shudadu ma aha wax lagu dibbiro-dhacsado sida immika aynu aragno. Shuhadadu ma ahaa wax af-madhan iyo calool naxli dhaamiyay lagu soo qaado. Mana aha wax la isugu tar sheegto oo muxaafid iyo mucaarud laga dhigto wax dadweynaha lagu beer-laxawsado. Weliba dadka kale ha joogaane taa kama ay mutaysan kuwii ay halgankii hubeysnaa bah-wadaagta ku ahaayeen ee maalin kasta oo la xusayaba af-madhnaanta iyo digashada ula yimaadda.

 

Shuhadadu ma aha wax la yidhaahdo wax ayaynu u qaban karaynay, u qaban karnaa amaba u qaban doonnaa. Ma aha in shuhadadii lagu ololeeyo. Ma aha in agoonta laga dhigto wax cid loogu ololeeyo ama cid kale lagaga ololeeyo sida dhaqanku yahay maanta oo calool-xumo iyo uur-ku-taallaba leh. Ma aha maalin kasta oo shuhadadii la xusayo in makrifoonnada af madhan iyo ballan-qaad aabbihii goblamay agoonta lagu maaweeliyo. Maalinta shuhadadu waa munaasibad iyo maalin u baahan in mashaariic iyo wax-qabad lagu maamuuso. Horaa loogu maah-maahay: “Meel hoo u baahan, hadal wax kama taro.”  

 

Weliba markii maah-maahdaa la sameeyay arrintu hadal keliya ayay ku koobnayde, hadalka maantu waa mid naxli iyo nacba cokan oo aan loo baahnayn.

 

Shuhadadii dhammaantood mid dedan iyo daalacanba Ilaahay ha u wada naxariisto.

 

 

Sidaa iyo nabadgelyo,

 

Dhammaad