Xuska 18 May oo si weyn looga Xusay dalka Gudihiisa iyo Debeddiisa iyo Nuxurka Khudbad Madaxweyne Siilaanyo u jeediyey Shacbiweynaha Somaliland + SAWIRRO

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta si weyn looga xusay dhammaan gobollada Dalka Xuska 21-guurada ee 18 May oo ah markii Somaliland madax-bannanideeda kala soo noqotay Dalkii Somalia la isku odhan jiray.

Xuska Munaasibadda oo siyaabo kala duwan looga xusay daafaha Dunida iyo gobollada dalka isla markaana bulshadu si weyn ugu diyaar-garoobayeen maal-maalmihii ugu dambeeyey, waxa dadweyne tiro badan isugu soo baxeen fagaarayaasha waaweyn ee degmooyinka iyo gobollada dalka halkaas oo ay kala qayb-galeen masuuliyiin ka socotay dawladda Dhexe, masuuliyiin heer degmo iyo gobolba.

Meelaha sida weyn la iskugu soo baxay waxa ka mid ah fagaaraha Beerta Xoriyadda ee Magaalada Hargeysa halkaas oo ay ka soo xaadireen dadweyne tiro badan iyada oo ay munaasibadda kala qayb qaateen madaxda dalka ugu sarreysa oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Marka laga yimaaddo masuuliyiin tiro badan oo ka hadashay goobta, waxa dhegaha iyo qalbiga dadweynaha si weyn u soo jiidatay Khudbad madaxweyne Siilaanyo ka jeediyey madashaas taas oo uu kaga hadlay qodobbo dhowr ah oo khuseeya nabadgelyada, dhaqaalaha iyo doorashooyinka Somaliland, aragtida dawladda ee dalalka jaarka ah, taageerada Beesha Caalamka iyo weliba qiimaha ay leedahay xuska maalintan.

Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlaya beesha caalamka, waxa uu ugu baaqay inay tixgeliyaan rabitaanka shacbiga Somaliland ee aayo-tashiga danahooda nololeed, isaga oo carrabka ku adkeeyey inaanay Somaliland ka noqonayn rabitaankeeda isla markaana shacbigeedu aanay ka daaleyn inay sii wadaan samirkooda.

Waxa uu madaxweyne Siilaanyo waxa uu baaq u diray siyaasiyiinta dalka Soomaaliya oo uu u soo jeediyey inay jahawareerka iyo dagaalka ka daayaan shacbigooda, isaga oo weliba Eebbe uga baryey inuu u fududeeyo dhibaatooyinka muddada badan ka socday.

Waxa kale oo uu madaxweynuhu ka hadlay shaqaaqadii todobaadkan ka dhacday Bariga magaalada Hargeysa isaga oo dadweynaha ku booriyey inay taageeraan ciidamadooda qaranka ee heeganka ugu jira difaaca dalkooda, waxaanu tacsi u diray dhammaan dadkii ku waxyeelloobay dhacdadaas.

Khudbadda Madaxweynaha oo dhammeystiran ayaa u dhigneyd sidan:

Madaxda Sharafta leh ee Golayaasha Qaranka iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland.

Waxa aan idinku salaamayaa salaanta islaamka Asalaamu caleekum wa-raxmatulaahi wa-barakaatu

Mudanayaal iyo marwooyin

Marka hore waxa mahad leh illaaheena weyn ee innagu simay in aynu maanta u dabaal-degno xuska munaasibadda sannad guurada 21aad ee ka soo wareegtay maalinta qaran-nimada Somaliland oo ah 18 MAY.

Waxa mahad leh illaaha innagu galaday guusha qaran ee aynu maanta hayno.

Munaasibada xuska maalintan weyn waxaan Hambalyo iyo boogaadin u dirayaa Golayaasha Qaranka, Madaxda kale ee Dawladda, Ciidamada kala duwan, shaqaalaha, ardayda, Jaaliyadaha debeda, Ururada Bulshada, Culimada, Madaxda dhaqanka, Haweenka, dhalinyarada iyo Dhamaanba shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan, waxaanan leeyahay Hambalyo—Hambalyo—Hambalyo Sannadka sannadkiisana waxa aan illaahay ka baryayaa inuu innagu gaadhsiiyo nabadgelyo, guul iyo badhaadhe iyo Qarankeena Somaliland oo sii xoogaysta siina adkaada.

18-MAY waa maalintii aynu xaqiijinay qaranka Somaliland, waa Maalintii innagoo isu-dhan oo aanay cidi innaga maqnayn gacmahana is haysanna ku heshiinay in aynu dhidibada u taagno Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waa maalintii aynu ka bogsanay wixii inna soo maray oo aynu wada-jir u bilownay nolol cusubiyo dhismaha Dawladeed ee aynu gacanta ku hayno.

Somaliland waxa loo soo galay halgan dheer oo ku siman tan iyo maalintii uu yimi isticmaarku, halgankaas oo dhiig badani ku daatay, naf iyo maal badanna lagu waayey, Waxaan Ilaahay uga baryayaaa intii ku shahiiday saraakiil, askar iyo shicibba lahayd ee naftooda ku waayey in uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Waxaan leeyahay geesiyada nool ee usoo halgamay dalkan hadday tahay kuwii xabada madaxa u dhigay ee naftooda u hibeeyay ee maanta nool, kuwii xoolahoodii geliyay iyo kuwii maskaxdooda iyo muruqooda geliyay ee daafaha dunida kala jooga, tacabkeenii wuu midho dhalay oo waxaynu dhalinay gobonimo iyo qaran madax banaan, talladeenii waynu meelmarinay oo waxaynu dhisanay dawladnimo, himiladeenii waynu xaqiijinay oo waxay dhidibada u taagnay bulsho nabdoon, leh sharciyad iyo qaanuun lagu hago iyo haykal maamul oo aynu ku kala danbayno, duniduna inagu ixtiraamto.

Waa hubaal weli waa curdin, oo geedka gobanimada Somaliland manuu gaadhin wakhti midho bislaaday iyo hoobaan laga daldalo, waase lagaadhi doonaa insha Allaahu ee haloo sabro, ha daalina, ha u damqanina duruufaha iyo waayaha, hana iska duminina qaranimada idinkaa leh ubadkiina iyo kuwa tagoogiina ku jira ayaa u aayi-doona, intii aynu dhib usoo maray, qaar inala wadaagayay oo inaga badsaday ayaa maanta xabaalaha ku jira oo aan ka calfanin, halka qaar kalena laxaadkoodii ku waayeen ubadkoodiina aanu weli daryeel qabin, oo xil inaga wada saaranyahay.

Beesha Caalamka

Dadyawga beesha caalamka iyo dawladahoodaba waxa aanu u sheegaynaa oo aanu ku cel-celinaynaa Somaliland waa xaqiiqo jirta, Somaliland waa run, Somaliland waa cadceeda oo kale, waxaanay ku timid rabitaanka shacbiga dalkan iska leh, waxay ku timid samir iyo dedaal dheeraada,

waxay ku timid naf-hur iyo isa saamax aanu kaga duwanahay cid kasta oo duruuf-nala wadaagta, Somaliland waxay ku timid dareen loo dhan yahay.

Maanta oo uu qarankanu 21-tan jirsaday afar Xukuumadoodna si dimu-quraadiya isu soo bedeleen waxa hubaal ah in aanu buuxinay shuruud kasta iyo xujo kasta oo ay Beesha caalamku ku xidhay aqoonsiga Somaliland. Waa hubaal in intooda badan dawladaha dunidu ay ka marag kaceen indhahoodana ku arkeen xaqiiqada ka jirta Somaliland.

Ha dheeraato ama ha dhawaato waxaan doonayaa in aan mar kale ku celiyo oo aan Bulshada caalamka u caddeeyo in aanay Somaliland marnaba ka noqonaynin go’aankeeda, oo ay ku qanacsan tahay jiritaankeeda iyo Qaran-nimadeeda iyo in aanay Somaliland ka daalayn xaqiijinta madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waanu u sabraynaa wakhti kasta oo ay nagu qaadato iyo qiimo kasta oo nagu tagto, waxaanan ku kalsoonahay in ay maruun ka mid noqondoonto dawladaha dunida ee la aqoonsan yahay.

Madax-banaanida Somaliland waxba kama bedeli karaan Siyaasi, Suldaan iyo shakhsi meel tegay, waa qadiyad umadeed mana jirto cid loo igmaday oo aan ahayn Golayaasha Qaranku. Waana dembiile Qaran qof kasta oo ka qayb-gala shir ka dhan ah qaranimada Somaliland.

Mudanayaal iyo marwooyin

Waa la socotaan oo dhawaan waxa magaalada London lagu qabtay shir balaadhan oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 45 dawladood. Shirkaasi waxa ka soo baxay go’aan taariikhiya oo markii ugu horaysay ay beesha caalamku ku qirtay inay Somaliland iyo Soomaaliya ku wada hadlaan.

Innagu dhinaceena wada hadalkaa intii innagaga beegnayd waynu fulinay walaaleheena Soomaaliyana waxaan ka rajaynayaa inay dhinacooda ka soo fudaydiyaan wixii ku xidhan, iyagoo qadarinaya go’aankii loo dhamaa ee beesha caalamka.

Soomaaliya

Waxaynu wada ognahay in xaalada Soomaaliya ay muddo cakirnayd oo ay colaado naafeeyeen, shacabka Soomaalidana ay kasoo gaadhay dhibaato aad u balaadhan, waanu ka xunahay, waxaanu la jecelahay wanaag, waxaanu illaahay uga baryaynaa deganaansho iyo horumar. Hogaamiyayaasha siyaasada ee Somaaliya waxaan usoo jeedinayaa inay shacbigooda u tudhaan oo danta bulshadooda mudnaanta siiyaan, nabad u raadiyaan qiimo kasta oo ay ku tagto, isuna tanaasulaan, wixii dhib ahna dhexdooda ka daayaan.

Qurbajooga

Anigoo og kaalinta ay mar walba kaga jiraan nolosha bulshada waxa aan si gaar ah halkan uga xusayaa qurbajoogga Somaliland meel kasta oo ay joogaan,  kuwaasoo la hubo inay door laxaadle ku leeyihiin kor u qaadida maqaamka Somaliland, Xuska maalintan weyna waxaan idin leeyahay Hambalyo.

Doorashooyinka iyo Dimuquraadiyada

Hanaanka Dimu-quraadiyadeed ee dalkeena ka hana qaaday wuxuu laf-dhabar u yahay wada-jirkeena, nabadeena, isu-tanaasulkeena iyo guud ahaanba jiritaanka qarankeena. Maanta waxa aynu ku guda jirnaa tabaabulshaha doorashooyinka dawladaha hoose oo aan ku rajo weynahay in ay dhawaan ka qabsoomi doonaan dalka, ururada iyo xisbiyada ku tartami doona doorashada waxaan kula dardaarmayaa  inay xil weyn iska saaraan illaalinta nabad-gelyada iyo shuruucda dalku leeyahay.

Ballan-qaadyadii xukuumaddu fulisay waxa ka mid ahaa furashada ururrada siyaasiga ah, taas oo aannu u arkayno xaq muwaadinku leeyahay. Haddii tartan la galo cid uun baa guulaysata, inta kale ee hadhayna guusha way la wadaagtaa, Ururrada ku hadhay wejigii koowaad ee tartanka iyo kuwa ku hadhi doona tartanka dawladaha hooseba waxan leeyahay isu arka in aad guulaysateen mar haddii ujeeddadii aynu u wada soconnay meel martay. Waad ogtihiin oo 80 cod baannu kaga hadhnay doorasho madaxtinimo, sababta aannu sidaa u yeelnayna waxa ay ahayd in aan ixtiraamno danta guud iyo jiritaanka qaranimada Somaliland.

Samirku nacasnimo maaha, hadiise aad ku qanci waydo natiijada waxaa kuu furan in aad tabashadaada u marto dariiqa sharci ah oo aad dhawrto hanaanka Garsoorka.

Nabadgelyada

Anigoo u mahadnaqaya dhamaan ciidammada kala duwan ee qaranka kuwaasoo had iyo jeer heegan u ah difaaca dalka, iyo adkaynta nabadgelyada gudaha, sidaa si la mid ahna waxaana u mahad celinaya madax dhaqameedka, waxgaradka iyo dhamaan muwaadiniinta Somaliland ee ku garabtaagan xoojinta amaanka, waxaan leeyahay meel wanaagsan baynu joognaa waxaana lagama maarmaan ah inaynu maskaxda ku hayno in ay nabadgelyadu tahay tiirka ugu muhiimsan jiritaanka bulsho iyo dawladnimo, sidaa awgeedna waxaa lama huraan ah inaynu illaalino midnimadeena, wada jirkeena iyo isku duubnideena.

Waxaan u tacsiyadaynayaa dadkii ku geeriyooday shaqaaqadii ka dhacday xerada Ciidanka Qaranka oo ahayd dhacdo aan la fillayn, waxaan si gaar ah u xusayaa ciidamadii halkaa ku dhintay, waxaanan ka xumahay cid kasta oo wax ku gaadheen.”

SLpost News/Hargeysa