Dadwaynuhu waxay daremayaan farxad iyo rayrayn balaadhan, qofwaliba waxa uu talonayaa calanka Somaliland oo qabab kala duwan ah, waxa aad loo hadal hayaa maalintan oo ku wayn dhamaan shacbiga Somaliland, waa maalin qofwalba ku wayn oo la qiyaasi Karin Muhiimadda ay ummaddan u leedahay, hadaba, dadwaynaha caasimada isugu soo baxa oo aad u tiro badan waxa qabsada ama ay la kulmaan nidaam xummo iyadoo marka goobta la yimaado aad arakayso dadwayne isku dhex haysta oo aan boolisna meesha dhex joogin ama dhalinyaro ku ciyaara dumarka oo dhibaato u gaysanaaya, waxa aan la dafiri Karin in goobta ay ka khudbadeyaan masuuliyiinta dalku ay tahay goob aad u saxmad badan oo aad moodid inaanu baratakool ka jirin, waxa aad arkaysaa iyadoo aan la kala garanayan qofka hadlaaya ee makarafoonka haysta iyo kuwa ag taagan, waxa jira nidaam iyo sharci maxaa u diiday masuuliyiinka ku shuqul leh diyaarinta xafladani inay madaxwaynaha iyo masuuliyiinta kale ee hadlaysa u sameyaan meel ama mimbar ay fulaan oo dadwaynuhu wada arki karaan oo ay ka hadlaan saxaafaduna si wanaasgan u duuban karto, waxa dhibaato kala haysataa dadwaynuhu maba arkaan Madaxwaynaha khudbadaynaaya ee waxa ay dawadaan uun saxafada oo kaga beegan madaxwaynihii, marka bal haloo sameeyo meel uu fuulo oo dadwaynuhu wada arki karaan oo uu ka khudbadeeyo madaxwaynuhu, waxa jira oo kale marka madaxwaynuhu khudbadaynaayo waxa garab taagan dadbadan oo qariyay madaxwaynihii oo ay kamid yihiin masuuliyinta dalku waxan garan wayay halka aynu sharcigan madaxwaynuhu markuu hadlaayo la soo wada garab istaagayo laga keenay, waxaynu aragnaa madaxwaynayaal badan oo caalamka ah ma arkaysid qof garab taagan oo kamaraduhu qabanayaan waxayna leyihiin meel gaar oo ay dadwaynaha kala hadlaan, waxa kale oo dadwaynaha dhibaato ka haysataa sameecadaha ku xidhan goobta beerta xoriyada oo wada shucaac ah ama guux ku dhex jiro oo aan qofka hadlaaya si wanaagsan loo maqli Karin, waxa loo bahan yahay sameecado waawayn oo awood leh, waxa aad mooda kuwa la keeno goobta inay la mid yihiin kuwa hudheelada oo kale lakiin sidaas maaha waxa loo bahan yahay sameecado kuwa manta ay hayaan ka waawayn, waxa kale oo jira in is jiidh jiidhka dadwaynuhu kalifo in dad xanuun sanayay ay ku xanuusadaan goobta waxwaliba waa inay daruuri ahadaan oo hawlwadeeno cafimaad goobta ama Firs Aid laga helaa goobta, amaanka oo ah mid wanaagsan marka laga hadlaayo dibada beerta xoriyadda lakiin gudaha waxa aad mooda inaan muhiimad badan la siin oo aan askar amaanka gudaha sugta la dhex kenin dadwaynaha waayo waxwaliba waa suura gal, sidoo kale, marka qofku soo galaayo beerta xoriyadda askarta dadka baadha iyakoo aad u dadaalaya hadana waxa jira in qofka wax wadaaa Illahay inaguma keene uu si dhib yar uga baxsan karaayo oo marka dadawaynuhu ku soo xomaan uu si dhib yar dhinac uga dhaafi karaayo si taas looga baxsado labada albaab ee Waqooyi iyo Koonfur ha la dhigo askarta albaabka haysa maahe askar kale oo ka horaysa iyaka oo qofkii ay ka shakiyaan iyaku intaanu soo gaadhin askarta albaabka sii baadha, waa muhiim in amaanka aad loo sugaa waliba askarta goobta ka shaqaynaysaa waxa ad mooda inaanay isku xidhnayan iyaka dhexdoodu oo taliyayaashu uun wada hadlayaan si amaanka xoogisa loo helo ha laysku xidho oo askariga dibada taagan waxa uu arko haku war galin karo ka taagan gudaha ee dadwaynaha ku dhex jira.
Khudabada Madaxwaynaha: waxa aan aad u xasuustaa in wakhtigii uu madaxwaynaha maantu ahaa mucaaridka uu aad u aftahan ahaa oo aan lagu arki jirin waraaq iyo isagoo khudabdiisa wax ka akhrisanaaya,lakiin, manta maaha sidii hore madaxwaynuhu warqad ayuu so qaata oo waliba anad wajigiisa arki Karin oo ay marmar dadka wajiga madaxwaynaha ka qarinayso, ma lihi warqada ha laga daayo madaxwaynaha oo waxa daruuri ah in uu dadwaynaha khudabad diyaarsan u jeediyo hadaba si warqadan ay dadwaynuhu marwalba hadal hayaan u asturanto karaamada madaxwaynaha ee dadkiisana loo dhawro waa in la helaa mimbarada caalamka ee madaxwaynayaashu ka khudbadeyaan oo warqadoodu ku jirto iyakoo kolba halka ay marayaan si dhib yar u rogan kara warqada, taas ayay ku jirtaa soo jiidasha khudabadu, waxa suura gal ah inay in badan ku mashquulsan yihiin qaabkii ay u diyaarin lahayeen khudbada madaxwaynaha hawlwadeena loo xil saaray lakiin maaha in madaxwaynaha khudbadiisa inta waraaq lagu soo qoro loo dhiibo waxa loo bahan yahay in la ogaado waxa dadwaynuh xiisaynayaan inuu kala hadlo takale ee jirtaa waxa weyaan badanaa sida caadada u noqotay madaxwaynayaashi dalkan soo maray waxa ay khudbadooda ku soo qaatan waxqabadka dawladooda oo dadwaynuhu markii horeba ka dharagsanayeen lakiin wax cusub oo dadka xiise galinayaa ayaa loo bahan yahay oo aan dadku ku caajisayn in khudbada lagu soo daro kuwaas oo dhiiga dadka kor u qaadaya hadalka nool ee dhiirani dhiiga dadka kor ayuu u qaada, waxa muhiim ah in khudabadihii ay hore u jeediyeen madaxwaynaashi hore intooda badan aanay noqon khudbado dhaxal gal ah kuwaas oo ay ugu wacan tahay in khudbada gabigeedi ba laga dhigay waxqabadka Wasaaradaha dalka ee aan loo guntanba sidii dadkan cadiifadaysan loo raali galin lahaa hadalada raali galinaaya dadwaynaha sida kuwan oo kale ” Maanta waxa aynu u taagan nahay xuska maalin inagu wayn dhamaanteen, maalin kamida maalmaha inoogu farxada badan ee nolosheena, maalin ay abayaal badani u hureen naftooda inay u hibeyaan caruurtooda manta qaarkood halkan joogaan, dalkan iyo dadkan waxaynu ku dhisanay wada jir iyo inaynu noqono dad mid ah min bari ilaa galbeed, anigu waxa aan u taaganahay oo aad ii doorateen inaan danta dalka iyo dadka somliland ka shaqeeyo, waxan u taaganahay inaan fuliyo wixii aad ii dorateen anoo idinka idin kaashanaaya marwalbana garabkina u baahan muxaafid iyo mucaaridba” haa, waxa loo bahan yahay hadalo sidaas oo kale ah dadkuna xiisaynayan oo taariikhda gala.
Gabagabadii, qoraalkani waa iga talo iyo tusaale, maaha in qofkii hadlaba loo qaato mucaarid iyo dawlad diid, waxa wanaagsan in wixii anfac leh laga dhagaysto qofka soo jediyay wixii kalena la iska dhaafo, danta dalka ma wado oo kaliya xukumadu ee waa ujeedo lawadA leyahay oo dadwaynaha ka dhaxaysa in danta dalka la raaco, dhibaatooyinkaas aan soo xusayna hadii aan la is indh tirayn intooda badani waa ay jiraan waana wax la xalin karo hadii niyad saafi ah lagu waajaho.
Mukhtaar Cabdi Sheekh Bulshaawi