Xulka Spain oo ku guuleystay Koobka Qaaradda Yurub

Hargeysa (SLpost)- Xulka Spain ayaa markii 2aad ee isku xigta ku guuleystay koobka qaaradda Yurub kadib markii uu 4—0 ku garaacay xulka Italy oo rejo ka qabay in uu koobkan hanto.

Ciyaar aad u xiiso badan oo  labada xul ku dhexmartay magaalada Kiev ee dalka Ukraine ayay 90-kii daqiiqadood ku soo gebagebowday 4—0 oo guushu ku raacday xulka Italy. Xulka Spain ayaa intii ay ciyaarta socotay waxaa uu muujiyay ciyaar xirfaddeed aad u heer sarreysa, taasi oo uu xulka ku helay afarta gool.

Goolasha uu ku badiyay xulka Spain ayaa waxaa u kala dhaliyay: Silva daqiiqaddii 14aad, Jordi Alba daqiiqaddii 41aad, Fernando Torres daqiiqaddii 84aad iyo Juan Mata daqiiqaddii 88aad. Xulka Talyaaniga ayaa dhankiisa wuxuu iska khasaariyay fursado goolal noqon karayey.

Xulka Spain ayaa seddex koob oo isku xiga ku guuleystay sida Euro cup 2008, World Cup 2010 iyo Euro cup 2012 wuxuuna  xulkani yahay mid isku xidhan tan iyo sanadkii 2010-ka oo uu ku guuleystay koobkii Adduunka ee lagu qabtay dalka Koofur Afrika.

SOMALILANDPOST.NET

sports@somalilandpost.net