Xulka Holland oo Afar sanno ka dib Si Fool Xun Uga Aar-goostay Xulka Spain

Xulka qaranka Holland ayaa ka aar gutay dhigooda Spain dibna u xasuustay ciyaartii Finalka Koobka aduunka ee 2010, kuna xasuuqay Spain 5-1 , ciyaartii mucjisada ahayd ee xallay ka dhacday garoonka Arena Fonte Nova ee magaalada Salvador waddanka Brazil.

Holland Vs Spain, 2014 Wall CupXidigaha Robben iyo Van Persie ayaa siday doonaan ugu galgashay laacibiintii difaacanayay koobka aduunka ee Spain , oo waayay cid u soo gurmata oo kaga guntata Robben habeenkii xallay ahaa.

Holland ayaa siday doonto ugu ciyaartay kubadana u maamulatay , Spain oo itaalkeeduba ku ekaa goolkii rigoodhaha ahaa ee ay bilowgii ciyaarta uu u dhalliyey Alonso, kaas oo laga raacay looguna bedelay 5 gool iyo lama aragtay.

CASILASVan Persie ayaa gool aad u qurux badan oo uu u duulay sida diyaarada ku bareejeeyey goolkii madiga ahaa ee ay Spain hogaanka ku qabatay, qaybtii hore ee ciyaartana sidaas ayaa lagu kala nastay.

Laakiin markii la isku soo nastay , Spain meesha waa laga waayay , kubadna wey isu dhiibi kari weyday , ciyaartiina waxaa maamulkeedii la wareegay xidigaha xallay damaashaadayay ee Holland oo siday doonaan u gallay kooxda tababare Del Bosque.

Arjen Robben oo laba gool ka dhaliyey iyo Robin van Persie oo saddex shabaqa dhigay , ayaa waxa shank u noqonayay kii Stefan de Vrij

Spain loogama fadhiyin in sidaas loo gallo , hadana xallay waxay la soo shir tagtay Ayaan jirin , waxaana la gudboon inay sidan wax badan ka soo bedesho , si ay boos uga hesho oo uga mid noqoto , kooxaha ka soo baxaya Group B oo ay Holland ka sokow kula jiraan Australia iyo Chile.

ROBBENNatiijada Kulankan ayaa xulka Spain u noqonaya guul-darradii ugu weynayd ee soo marta tan iyo 1963-kii wakhtigaas oo xulka Scotland kaga badiyey 6-2.

Guul-darradii ugu weynayd ee natiijada ciyaarta caawa ka horeysay, ayaa ahayd sannadkii 2010 oo xulka dalka Portugal kaga badiyey 4-0

 

CADALAAL SPORTS