Xulka Gobolka HAWD oo u soo baxay Finalka Tartanka Ciyaaraha Gobollada

Hargeysa, (SLpost)- Xulka Gobolka Hawd ayaa noqday xulkii ugu horreyey ee u soo baxa ciyaarta gunaanadka tartanka kubadda cagta ee Gobollada Somaliland ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen xulka gobolka Awdal, ciyaar xiiso badan oo Galabta ku dhex martay garoonka Alamsy Stadium ee magaalada Burco.

Ciyaarta ay maanta ku kulmeen labada xul oo ahayd mid heerkeedu aad u sarreeyey ayaa noqonaysay in xulkii laga badiyaa uu toos uga hadhayo tartanka, waxaana xulka gobolka HAWD  uu nasiib u helay inuu u soo baxo final-ka tartanka koobka gobollada Somaliland.

Gobolka Hawd ayay ciyaarta Finalka isugu iman doonaan Xulka ka soo baxa kulanka ay Berri wada yeelanayaan xulalka Gobollada Sool iyo Maroodi-jeex kaas oo natiijadiisa ay dadweyne badan ka dhur-sugayaan.

Somalilandpost.net

sports@somalilandpost.net