Xulka Gobolka Hawd oo hantay guushii ugu horreysay kulamadii la ciyaaray ee Horyaalka Gobollada

Hargeysa (SLpost)- Kulan aad u xiiso badan oo u muuqday kii ugu adkaa intii ay socdeen ciyaaraha Gobollada dalka ayaa maanta dhexmaray xulalka gobollada Sanaag iyo Hawd.

In kasta oo labada kooxood qaab-ciyaareed qurux badan oo qoloba weerar ku ekaysay goolka dhiggooda, haddana qaybtii hore ee ciyaarta waxa lagu kala nastay Barbaro 0-0 ah, waxaanay ciyaaryahanaddu ay dib ugu soo laabteen garoonka ka dib markii ay la soo tashadeen tababarayaashooda.

Daqiiqadihii ugu dambeeyay ayaa la isla gaadhay, waxaana wakhtiga oo ku dhaw dhamaad ay ciyaaryahan Khaalid Gaboose oo loo yaqaano Diiga ayaa gool aad u qurux badan shabaga ku hubsaday.

Ciyaartu waxa ay ku soo gabogabawday 1-0 ay guushu ku raacday ciyaaryahanadda Xulka Gobolka Hawd, taas oo ka dhigaysa markii ugu horeeysay ee lagu kala badiyo ciyaaraha gobolada ee iyagu ilaa hadda sida habsamida ah uga socda.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net