Xulka Gobolka Awdal oo dhulka Jiid-jiiday Xulka Saaxil kuna diray 2-0

Hargeysa, (Slpost)- Ciyaar aadu xamaasad badan oo sababtay inuu muddo hakad ku yimaaddo hannaan-socodkii ciyaarta isla markaana ka duwan kulamadii hore ee tartanka ciyaarta ayaa maanta dhex martay gobollada Awdal iyo Saaxil.

Ciyaartan oo kulankii labaad u ahayd koox walba ayay isku wajaheen labada xul ee gobolladan, waxaana aad u kala fogaa natiijadii ay ku dhammaatay iyo saamayn ka dhalatay go’aan uu garsooruhu gaadhay bilowgii ciyaarta.

Xiisaha ciyaartan ayaa bilaabmay ka dib markii kaadhka cas la siiyey kabtanka xulka gobolka Awdal taasina ay sababtay in ciyaartoyga xulkani ka dareeraan garoonka iyaga oo ka cabanaya in kaadhka cas ee garsooruhu biyey ahaa mid khalad ah.

Ka dib waan-waan iyo qancin uu hormood ka ahaa wasiirka Ciyaaruhu, ciyaartoyga gobolka Awdal waxa ay ogolaadeen inay ciyaarta sii wataan, waxaana dib u bilaaban tahay ciyaartii.

Xulka gobolka Awdal oo toban ciyaartoy  ku dheelaya ayey u suurtogashay in gobolkan Galbeedka Somaliland uu keensado goolkii ugu horreeyey, taasina waxay sababtay inay ciyaartu sii kululaato.

Muddo yar markii ay ka soo wareegtay wakhtigii goolkaas hore, xulka gobolka Awdal waxa u suurto-gashay inay keensadaan goolkii labaad.

Mid ka mid ah ciyaartoyga gobolka Saaxil oo ku khalad ku galay ciyaartoy dhiggooda ah ayaa mutaystay in Garsoorihii ciyaartu uu Kaadhka cas siiyo, tanina waxa ay sababtay in xaaladdii ciyaartu ku soo noqoto marxaladdii bilowga, iyada oo ciyaartoyga gobolka Saaxil ka xanaaqay kaadhka cas ee la siiyey ciyaartoygooda, waxaanay diideen inay ciyaartu sii socoto.

Balse wakhti yar ka dib markii waanwaan laga galay, waxay ogolaadeen inay ciyaarta sii wataan, waxaanay garoonka soo galeen iyada oo ay labada kooxoodba ku ciyaarayaan toban ciyaartoy.

In kasta oo gobolka Saaxil isku dayey inay natiijada wax ka beddelaan, haddana umay suurtogalin,waxaanay ciyaartu ku dhammaatay 2-0 ay guushu ku raacday gobolka  Awdal.

Somalilandpost.net

sports@somalilandpost.net