Xulalka Germany iyo Brazil oo Isku ballansan Semi-Finalka Koobka Adduunka

Sports (SLpost)- Xulalka Waddamada Germany iyo Brazil, ayaa isku arki doono Semi-Final-ka Koobka Adduunka, ka dib markii ay labada Xulba ka badiyeen labada Xul ee France iyo Colombia.

Xulka Germany oo kulan ka tirsan Quarter-Finalka Koobka Adduunka caawa la ciyaaray xulka France, ayaa guul daqiiqadihii horeba ay hanteen 1=0 ku badiyey, halka Xulka Brazil uu 2-1 kaga badiyey waddanka ay Isku qaaradda Yihiin Colombia.

brazilCiyaaryahan Hummels ayaa hogaanka ciyaarta gacanta u geliyey Germany daqiiqadii 13aad ee qeybtii hore kadib markii uu madaxeeyay kubad Karoos ahayd taasoo qaybtii hore 1-0 lagu kala nastay.

Inkastoo xulka France fursado badan abuureen qeybtii danbe hadana uma suurto gelin in ay bareejeeyaan waxayna guud ahaan ciyaartu ku dhamaatay 1-0 oo si dirqi ah ay ku badiyeen Germany.

Guushan uu gaadhay xulka, waxay noqonaysaa rikoodh cusub, oo ah inay markii afraad oo xidhiidh ah inay u gudbaan semi finalka koobka aduunka, waxaanay hore ugu baxeen sanadihii: 2002, 2006, 2010, iyo kan imika ee 2014.

Guusha uu xulka Germany gaadhay, ayaa ka dhigaysa markii Afraad ee ay u gudbaan Semi-finalka Koobka Adduunka.

germany vs FranceDhinaca kale, xulka Brazil oo muddo 12 sanno ah ka dib iska xaadiriyey Semi final-ka koobka adduunka, waxa guusha Goolka koowaad daqiiqaddii 7aad u saxeexay difaacyahanka Kooxda PSG ee dalka Faransiiska SILVA oo jilibka bidix ku dhalliyey kubad uu koonaha ka soo laagay Neymar. Halka difaacyahanka ay isku kooxda yihiin ee David Luiz uu qaybtii labaad ee ciyaarta goolkiisa oo laag xor ah ahaa , si quxux badan giftinka birta uga xareeyey.

Colombia ayaa iyagu goolka madiga ah hellay daqiiqadii 80 aad ee ciyaarta, kaas oo ahaa rigoodhe uu shabaqa ku luley weeraryahan James Rodriguez, tirada goolasha uu koobka aduunka ka dhaliyayna ka dhigay lix gool oo noqonaya xidiga ugu goolasha badan tartanka.

Brazil, oo labadii koob aduun ee ugu dambeeyeyba ku hadhay wareega sideeda (Rubuc dhamaadka) ayaa wajahi doona Salaasada iyo Semi Finalka, xulka Germany oo isla xallay fiidkii ka soo talaabsaday Faransiiska.

Xulalka Germany iyo Brazil, ayaa kulankooda Semi-finalka wada-ciyaari doona 8-da bishan July Maalinta Salaasa ee todobadkan.

Parts of this content is taken from CADALOOL SPORTS