“Xukuumaddu way Jiraysaa Waxaanay ku Shaqaynaysaa Muddo Kordhintii Guurtidu Samaysay” Xil. Nacnac

(SLpost)- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac),ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Xildhibaan  Siciid Cilmi Roobe oo ay ka wada tirsan yihin Golaha Wakiiladda.xildhibaan Nacnac

Waxaa kale oo uu xildhibaan Nacnac  intaa ku daray Madaxtooyadu in ay tahay halkii qaranka looga talinayay  ee dalka ugu  sarraysay isla markaana aan dadka lagu dilin sida uu xildhibaan Siciid sheegay.
Waxaanu xildhibaanku kula taliyay Mudane Siciid Cilmi  ay  Golaha Wakiilada ka wada  tirsan yihiin ee ay mar dhan  dagaalka kaga wada jireen ee ay xuluufada soo wada ahaayeen in uu bisha Ramadaan hadalka aan wanaagsanayn iska daayo oo uu khayrba badsado, waxaanu yidhi “Waxa aan leeyahay madaxtooyada nalagu layn maayo ee waa taayadii iyo tii aad noola soo halgantay Siciidoow cidina nagama xigto ee bilaha Ramadaan iska cibaadayso oo hadalka badan ee aan waxba kuu tarayn yarayso ayaan ku odhan lahaa”“Waxa aan leeyahay saaxiibkay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Madaxtooyadu maaha meel la isku dilo ee waa xaruntii looga arriminayay dalka oo dhan, cid walbana waa u furan tahay oo waa innagii wada geli jirnay innaga oo wada socona.”

Xildhibaanka  oo la waydiiyay  sida uu u arko Xildhibaan Xasan Cawaalle oo xarunta Madaxtooyada ciidamada ilaaladu ay wax ku dhex yeeleeyeen ayaa ku jawaabay “Adeer Madaxtooyada waxa ku rakiban Camerado, waxaanan warbaahinta leeyahay ha la sugo, waayo askarigiiba waxa uu yidhi waan riixay, laakiin warkaa xildhibaanku ina yidhi waa la idilay, waxaanan leeyahay wax walba ha la hubsado”.

Xildhibaanka oo la waydiiyay waxa la yeelayo marka muddo xileedka Xukuumaddu dhammaado ayaa ku jawaabay. “Xukuumaddu way jiraysaa, waxaanay ku shaqaynaysaa muddo kordhintii ay Golaha Guurtidu sameeyeen.”

“Waxa aad ka war haysaa in barnaamijkii aanu doorashada ku galnay in aanu wax badan fulinay, inta yar ee noo dhimanna waxa aanu jecelahay in aanu soo dhamaystirno hadii alle idmo.Waxa aan ahaa Guddoomiyaha Ololaha, waxaanan qabaa in wixii aanu doorashada ku galnay oo dhan aanu sidoodii ku fulinay, lacagtii waa laga bedelay Bariga, Wadadii Ceerigaabo Waanu wadnaa, wasaaradihii foosha xumaa dib ayaanu u wada dhisnay, ciidamadii darajooyinkii iyo haybadoodii ayaanu u soo celinay, waxbarashadii hoose dhexe bilaash baanu ka dhignay, waxaas oo dhami barnaamijkayaga ayay ku jirtay, sidoodii ayaanan u fulinay” ayuu yidhi oo shalay u waramayay shabakadda Hadhwanaagnews.

Ugu dambayn xildhibaanka oo ka jawaabayay su,aal dadku in badan maqlaan oo ahayd Madaxweynuhu ma taliyo ayaa yidhi. “Habaar Waa Dibad, waxaanan leeyahay cida waxaas tidhaahda isla hela, madaxweynuhu wuu taliyaa, waxaanad ka war haysaan in cid kasta oo aflagaado u geysata in uu ilaahay ku reebay, isaga ayaa taliya oo hogaamiya qaranka, waxaanu u horseeday guulo la taaban karo.”