Xukuumadda,Komishanka iyo Xisbiyada Qaranka Oo Ka Shiray Deegaano Lagu Muransanyahay Oo Dadkoodu Waayay Codayntii iyo Kaadhadhkii Dhalashada Ee Dalka

????????????????????????????????????

Hargeysa(SLpost)-Kulan Saddex geesood ah oo maanta ka qabsoomay xarunta Qasriga Madaxtooyada ayey kasoo qaybgaleen tiro kamida golaha Xukuumada, Komishanka Dooraashooyinka iyo Masuuliyiinta Saddexda Xisbi qaran.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Kulankan oo uu gudoominayey Madaxweyne ku Xigeenka JSL ayey Ujeedadiisu ahayd sidii xal looga gaadhi lahaa goobo aanay doorasho iyo diwaan galin ka qabsoomin dooraashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka dhacay halkaas oo ay ku waayi jireen xuquuqdoodi dastuuriga ahayd ee qeexaysay in ay wax doortaan iyagana la dooran karo.

Goobaha oo kala ahaa:

Hulka, Cabdi Geedi, Ceel Sheekh , Ceel la Helay, Bil-dhaalay iyo Damasha ayaa ahaa goobo uu khilaaf ka taagnaa dhinaca xuduudaha ah darteed ku waayey xuquuqdaas dastuuriga ahayd maadama ay ku kulmaan Gobolada Awdal, Maroodi-jeex iyo Saaxil.

Haddaba, kulankan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayey dhinacyada kulankan kasoo xaadiray si fiican u kala sheegeen faraqa u dhaxeeya in doorasho ka dhacdo iyo in dadka goobta ku nool la diiwaangaliyo iyagoo xusay in ay lagama maarmaan tahay in la diiwaangaliyo muwaadiniinta goobtaas ku nool

Gabagabadii kulanka ayaa lagu soo afmeeray in ay Wassaarada Arrimaha Gudaha iyo Komishanka Dooraashooyinka qaranku wada jir ugu dhawaaqi doonaan go’aamadii kulankaas laga soo saaray kuwaas oo noqon doona kuwo ilaaliya xuquuqda dastuuriga ah muwaadiniinta deegamadaas ku dhaqan.

Isku soo wada duubo kulankan ayaa ahaa mid arimaha lagu gorfeeyey hannaan qaranimo iyo dareen ummadnimo

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.