Xukuumadda Suuriya oo Eedayn u jeedisay Dawlado waaweyn iyo Mucaaradka oo Maamul-goboleed samaysanaya

Dimishiq (SLpost)- Afhayeen u hadlay xukuumadda Suuriya oo lagu magacaabo Mr.  Shariif  Shahada, ayaa ku eedeeyey  dawlada  Qatar iyo dalka Mareykanka  in ay ka  dembeeyaan diidmada ay madaxda isbahaysiga mucaaridka ee dalkaasi ku qaaddaceen ka qeyb-  galka wada-hadal siyaasadeed oo lala yeesho xukuumadda Suuriya.

Mr.  Shariif oo shalay warbaahinta kula hadlay caasimadda Suuriya ee Dimishiq, waxa uu sheegay in madaxda isbahaysiga mucaaridku aanay dan ka  lahayn dhibta  dadka soo gaadhaysa  iyo burburka  ay  dagaaladu ku keenayaan dalka.

dagaalada suuriyaGeesta kale, isbahaysiga mucaaridku waxa ay diidmadooda ka qeyb galka  kulanada siyaasadeed iyo kuwa dibloomasiyadeed  sabab uga dhigeen  bulshada caalamka gaar ahaan Ruushka iyo Mareykanka oo waxba ka qaban  waayey  gantaalaha, madaafiicda iyo bombooyinka ay la dhacayaan ciidamada xukuumadu  magalooyinka Suuriya siiba magaalada Xalab.

Isbahaysiga Mucaaradka ee ka soo horjeeda Dawladda Suuriya, ayaa ku dhawaaqay qorshe ay Dawlad-goboleed kaga aasaasayaan qaybta dhulka gacanta ugu jira ee dalkaas.

Afhayeen u hadlay mucaaradka ayaa Jimcihii ku dhawaaqay qorshahaas wakhti ay magaalada Qaahira ugu sugnaayeen shirar ay kaga tashaneyeen inay wada-hadallo la bilaabaan xukuumadda Bashar Al-Assad, waxaanu afhayeenkaasi sheegay in isbahaysiga mucaaradku 2 Bisha March ku kulmi doonaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga isla markaana ay dooran doonaan Raysalwasaare meteli doona maamulkooda.

Somalilandpost.net/Hargeysa