Xukuumadda Soomaaliya oo Go’aan ka Soo Saartay Darbiga Kenya Dhisayso

Muqdishu(SLpost)-Guddiga madaxa banaan ee xuduuddaha dawladda Fadaralka Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdishu ee xarunta dalka Soomaaliya waxa ay go’aan ka soo saareen darbiga Kenya qorshaynayso inay ka dhisto xuduudka ay la wadaagto dalka Somaliya.

Warsaxaafadeedka guddigaasi soo saartay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Somalilandpost ayaa lagaga hadlay lix qodob .

Qodobbada guddiga ayaa lagu xusay, innay ayideen go’aankii kasoo baxay xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee ku aaddanaa darbiga Kenya ay dhiseyso, iyagoo Kenya u diray baaq ay kaga dalbadeen inay dabriga ay dhisayso joojiso.

Cabdiqaadir Cabdillaahi Xamse oo xubin ka ah guddiga madaxa-banaan  ayaa warbaahinta u akhriyay war-saxaafeedka ay soo saareen.

s2

Somalilandpost.net,  Muqdisho, Somalia