“Xukuumadda Somaliland waxay u soo jeedinaysaa Beesha Caalamka inay ixtiraamaan aayo-ka-tashiga iyo rabitaanka s shacabka..” – WAR-MURTIYEED

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa beesha Caalamka ugu baaqday inay ixtiraamka dowlidnimada tis-qaadday iyo aayo-ka-tashiga Shacabka reer Somaliland isla markaana ay dhex-dhexaad ka noqoto wada-shaqaynta iyo xidhiidhka ay la leedahay Somaliland iyo Somaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, ayaa xukuumaddu kaga jawaabtay war-murtiyeed ay dhowaan wada-jir u soo saareen wakiillo ka tirsan beesha Caalamka ee taageerada dhaqaale siisa dowladda Soomaaliya, waxaanay war-murtiyeedkoda kaga hadleen doorashooyinka dalkaas iyo mowqifkooda la xidhiidha sidii ay u caawin lahaayeen, waxaanay arrintan ku soo dareen oo kaga hadleen Doorashooyinka Somaliland oo ay ku soo dareen ta Somalia.

War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda oo lagu xusay gar-naqsi xukuumadda Somaliland u jeedisay beesha Caalamka, ayaa lagu baahiyey luuqadda Afka English, waxaananu halkan idinku soo gudbinaynaa war-murtiyeedka oo Afka Soomaaliga ay u tarjumeen  bahda Somalilandpost.net, waxaanu u qornaa sidan:-

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo tixraacaysa war-saxaafadeed 28 January ay si wada jir ah u soo saareen Beesha Caalamka ee ku saabsanaa sharciga doorashooyinka Soomaaliya, waxay beesha caalamka uga digaysaa wax kasta oo faragalin ah oo ka dhaca gobolka oo khatar gelinaya Dowladnimada sharciga ku dhisan,  jiritaanka dhuleed iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Somaliland.

Nidaamka maamul ee ku dhisan dimuqraadiyadda firfircoon ee shaqeynaysa oo dhidibbada loo taagay soddonkii sanno ee u dambeeyey, waa mid ka shidaal-qaata oo awooddiisa sharciyeed ku dhisan tahay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo kaligiis ka tarjumaya rabitaanka dimuqraadiyadeed iyo aayo-ka-tashiga Shacabka Somaliland. Si kale haddii loo dhigo, waxa nasiib darro ah in war-saxaafadeed ay soo saareen Beesha caalamku inay meel isugu keento Dimuqraadiyadda ugu faca weyn bariga Africa ee Somaliland iyo Geedi socodka Tijaabada ah iyo Doorashada aan wali xalka loo helin ee Soomaaliya.

Xukuumadda Somaliland waxay sii wadaysaa wada-shaqaynta Beesha Caalamka iyo inay uga mahad-celiso doorkooda ku aaddan xoojinta dimoqraadiyadda curdinka ah iyo dhiirrigelinta nabadda gobolka oo ay ka mid tahay habsami u-socodka doorashooyinka Somaliland.

Somaliland iyadoo ka mid ah hormoodka ku-dayashada mudan ee horseedka u ah dimuqraadiyadda Geeska Afrika, waxay muddo dheer dhiirrigelinaysay oo kala shaqaynaysay dhammaan dedaallada lagu taageerayo sidii dimoqraadiyaddu uga hirgeli lahayd mandaqadda, iyada oo la aamisan yahay in qiyamka dimoqraadiyaddu aasaas u tahay nabad-wadaagga, xasilloonida iyo ka hortagga xagjirnimada.

Si kastaba ha noqotee, beesha caalamku waa inay daacad ka noqdaan wada-shaqayntooda kana fogaadaan qaadashada mawqif kasta oo wax u dhimaya nabadda iyo xasilloonida gobolka. Xukuumadda Somaliland waxay sii wadaysaa soo dhoweynta dadaallada ay wadaan saaxiibbada beesha Caalamka ee lagu dhiirrigelinayo wada-hadallada dalka aanu deriska nahay ee Soomaaliya, si loo xaqiijiyo xidhiidh nabadeed iyo iskaashi dhexmara labada waddan. Sida ay u guulaystaan wada-hadalladu, una kasbadaan quluubta iyo maskaxda dadka reer Somaliland, waa inay ku qabsoomaan jewi iyo goob ay dhinacyada oo dhami ixtiraamaan isla markaana ilaalinaya go’aanka aan gorgortanka lahayn ee dadka reer Somaliland ku gaadheen inay si madaxbanaan u maareeyaan arrimahooda siyaasadeed, gaar ahaanna inay si madax-bannaan oo dimuqraadi ah dowladnimadooda u maamushaan.

Heerka qaan-gaadhaka ee dimuqraadiyadda Somaliland oo beesha caalamku kaga marag-kacday warbixintii ay kor-joogayaasha caalamiga ahi ku shegay in Doorashooyinka Somaliland u qabsoomeen si xor ah, xalaal ah,  dhinacyada ku tartamayna u hoggaansameen dhammaan heerarka caalamiga ah, iyadoo Somaliland noqotay waddankii ugu horreeyay adduunka ee qaatay hannaanka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee IRIS.

Sidaa darteed, Xukuumadda Somaliland waxa ay mar kale u soo jeedinaysaa Beesha caalamka inay ixtiraamaan aayo-ka-tashiga siyaasadeed iyo rabitaanka shacabka Somaliland,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka oo maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Somalilandpost.net

somalilandpost[at]live.com