Xukuumadda Somaliland oo Xaqiijisay Jiritaanka War Ka soo Baxay Shirkadda Diyaaradaha ee Air Arabia

Paris (SLpost)- Wasiirka Ganacsiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in aanay ilaa hadda heshiis rasmiya kala saxeexan shirkadda diyaaradaha ee Air Arabia, balse ay wadahadallo u bilaabeen Imaaraadka Sharqiya qaybteeda duulista, oo uu sheegay inay leeyihiin shirkadda diyaaradaha ee Air Arabia.

Wasiirka oo maanta u warramay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa caddeeyay in wadahadalka u bilaabmay Somaliland iyo waaxda duulista ee Imaaraadda Shaariqa uu yahay mid dhankooda ka yimid, sababta isaga iyo Wasiirka duulistu Imaaraadka u tageenna ay ahayd codsi uga yimid madaxda duulista ee Imaaraadda Sharqia.

Maxamed Cabdilaahi Cumar“Arrintaa waxaan doonayaa inaan Caddeeyo, waanan ogahay in warar khaldan laga bixiyey, ilaa hadda ma jiro heshiis laba geesood ah oo la saxeexay, wakhti-baanay qaadanaysaa, hase yeeshee Somaliland iyo Imaaradda la yidhaahdo Sharqiya qaybteeda duulista ee loo yaqaano, ‘Sharqia Aviation Services’ oo leh diyaaradda Air Arabia.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Waxa na dhex maray wadahal bilow ah, iyagaana codsaday oo Hargeysa noogu yimid, arrintana nagala hadlay inay danaynayaan, dabadeedna anniga iyo wasiirka duulista ayaa u tagnay, wadahadalkaasina wuxuu dhex maray Somaliland iyo Imaaradda sharqia, waana bilow wadahalladaasi, walina ma jiro hindise faahfaahsan oo ay noo soo gudbiyeen.”

Warbaahinta Somaliland qaarkood, ayaa maalmihii u dambeeyey qorayey warar sheegayay inay shirkadda Diyaaradaha ee Air Arabia ay caddeysay inaanay Somaliland la gelin wax heshiis ah oo kuu saabsan duullimaadyo ay diyaaraddoodu ku timaaddo madaarrada Hargeysa iyo Berbera.

SOMALILANDPOST.NET