Xukuumadda Somaliland oo sii xoojisay go’aankeedii ay kaga qayb-qaadanaysay Gurmad taakulo ee dadka Abaaruhu ku dhaceen ee Soomaaliya

Hargaysa (SLpost) ~ Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa hadlay natiijada ka soo baxday guddigii xukuumadda ee uu dhawaan u magacaabay takaakuleynta Abaaraha ku habsaday dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka aynu jaarka nahay ee Soomaliya.

Madaxweyne ku-xigeenka oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Somaliland, waxa uu sheegay inay xukuumaddu Dekedda Berbera u fasaxday cid kasta oo taakulo gaadhsiinaysa dadka abaaruhu halakeeyeen ee Soomaaliya.

Shirkani jaraa’id oo ay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ku wehelinayeen Wasiirka wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday  iyo Guddoomiyaha Hay’adda ka-hortagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee NERED.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay in ay ka qayb qataan gargaarka loo fidinayo dadka Soomaalida ah ee Macaluushu ku hayso dalka ay jaarka nahay ee Soomaaliya gaar ahaan Gobollada Koonfurta, waxaana uu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaaya, “Waxaan shirkan jaraa’id u qabanay anaga oo ka adkaysan kari waynay dhibaatada Haysata Umadda Soomaalida ah ee ku nool Koonfurta dalka Soomaaliya. Runtii waxa sii xumeeyay dhibaatadaas dhinacyada iskaga soo horjeeda Awoodaha dalkaas oo sii xoojisay abaarihii iyo macaluushii ka jirtay, taas ayaanu ka adkaysan kari waynay anaga oo og in umadda Soomaaliyeed aanu wada nahay dad Islaam ah oo jidhku iskugu kaayo yaalo oo aanu walaalo nahay.”

Waxa uu madaxweynuhu ku daray hadalkiisa, “Waxaanu go’aan ku gaadhnay in aanu ka qaybqaadano wixii itaalkayaga ah ee ku saabsan taakulaynta umaddaas macaluushu ku habsatay oo aanu wixii itaalkayaga ah taageerno haddii aynu nahay reer Somaliland. Waxaanu abuurnay guddi heer wasiirro ah oo farsamo ahaan ka soo tallo bixisa sida ugu habboon ee aynu ku taakulayn karno dadka Soomaalida ah ee u dhimanaya Macaaluusha.”

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu uu dadka reer Somaliland ugu baaqay  inay ka qayb qaataan  taakulaynta dadkaa macaluusha la daalaa dhacaya,  waxaana uu yidhi, “Xukuumad ahaan, waxaanu go’aansanay in marinkeena Dekedda Berbera ay  u furnaato wixii caawimo ah ee loo wado dadka Macaluushu hayso ee Soomaaliya, wixii fududaynayana  aanu sameyno.”