Xukuumadda Somaliland oo Si Adag Uga hadashay Xiisad ka dhalatay Heshiis 30 Sanno ay ku jirtay oo ay ka baxday

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumada Somaliland ayaa si adag uga hadashay xiisad ka dhalatay Heshiis muddo 30-sanno ay muwaadiniin reer Somaliland kula gashay inay maalgeshi ku sameeyaan dhismaha Hoteelka Hargeysa Club oo dowladdu leedahay, kaas oo dhawaan ka baxday dibna ula soo noqotay gacan-ku-hayntiisa.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, ahna Af-hayeenka Xukuumadda, Md Saleebaan Yuusuf Koore oo maanta saxaafadda la hadlay, waxa uu sheegay inay xukuumaddu xaq u leedahay inay soo ceshato hantida maguurtada ah ee gacanta ugu jirta dadka shacabka ah.

Wasiir Saleebaan Koore waxa uu ka dhawaajiyey in Hargeysa Club uu kamid yahay hantida dowladdu ay dib usoo ceshatay intii uu xilka hayey Madaxweyne Muuse Biixi, isagoo xusay in xukuumadu ay xaq u leedahay inay xiliga ay rabto la wareegi karto hantideeda shuruud la’aan.

Hadalka Wasiir Koore kaga Bogo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net