Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay In 20 Sano La Kireeyay Haamaha Keydka Shidaalka

Hargeysa(SLpost)- Wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland, Dr Muuse Qaasim, ayaa maanta si rasmi shaaca uga qaaday in haamaha keydka shidaalka ee Berbera, ee muranku ka taagnaa, loogu wareejiyay shalay lix sharkadood oo gaar loo leeyahay oo xukuumadu ka kireysay.

 

Wasiirka oo war kooban siiyay BBC, wuxuu sheegay in shirkadahan lixda ah oo horeba u keeni jiray shidaalka Somaliland, ay wasaaradda ganacsigu ka kireysay haamaha shidaalka ee Berbera muddo labaatan sano ah.

 

Wuxuu sheegay in wasaaradu yeelaneyso awoodda kantaroolka iyo hubinta tayada shidaalka soo gelaya dalka. Faah-faahin kale ma bixin wasiirka ganacsigu.

 

Xafladda shalay ka dhcday magaalada Berbera ee keydka haamaha shidaalka lagu wareejinaayay ganacsatada, ayaa loo diiday saxaafadda, waxaana magaalada Berbera la geeyay ciidan dheeraad ah.

 

Sida laga warqabo, hore, ayaa baarllamaanka Somaliland cod aqlabiyad ah ku diiday in haamaha keydka shidaalka ee Berbera lagu wareejiyo ganacsato gaar ah, oo aan tartan furan u soo marin, dawladda ayaa se ka diidday oo sheegtay in ay xaq u leedahay in ay cidda ay doonaan ku wareejiso cidda ay doonaan.

 

Somalilandpost, Office 2015