Xukuumadda Somaliland oo shaaciy inay Isku Furayso Telefoonada Shirkadaha Isgaadhsiinta

Hargeysa (SLpost) – Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Sheekh Suufi, ayaa sheegay inay  hirgelinayaan adeeg dadweynaha u suurtagelinaya inay kuwada hadlaan telefoonada shirkadaha isgaadhsiinta  isgaadhsiinta ee dalka ka hawlgala.

Wasiirku waxa uu sheegay in Dadweynaha Reer Somaliland Hal Taleefan ku wadahadli doonaan, iyagoo sita Kaadhadka kala duwan ee shirkadaha isgaadhsiinta oo laysku furi doono.

Tallaabadan oo xukuumadihii hore dhowr ka dhawaajiyeen hirgelinteeda ayaan suurtagelin,  iyadoo ay galaafatay wasiirro hore oo qorshaheeda soo bandhigay.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay hirgelinayaan adeegga Boostada oo aan hore uga jirin Sonaliland.

Hoos Ka Daawo Faahfaahinta Warkan.