Xukuumadda Somaliland oo shaacisay Qorshe ay Maraakiibta u raran Ganacsatada Somaliland kaga badbaadinayso budhcad-badeedda Soomaalida

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda ganacsiga, wershadaha iyo Dalxiiska Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ka hadlay qorshe xukuumadda uu ka tirsan yahay ugu talo-gashay inay budhcad-badeedda Soomaalida kaga badbaadiyaan maraakiibta u raran ganacsatada Somaliland iyo sidoo kale gaadiidka badda ee isaga goosha Somaliland iyo waddamada ay xidhiidhka ganacsi leeyihiin.

Waxa uu wasiirku sidaas ku sheegay mar uu maanta warbixin ka siiyey gudida joogtada ah ee Golaha guurtida waxqabadka wasaaradiisa.

Wasiirku waxa uu warbixintiisa ku sheegay in wasaarad ahaan ay diyaariyeen shuruucdii ay ku hagi lahaayeen ganacsiga dalka, sida sharciga ganacsiga oo dhowaan la hor gayn doono golaha wakiilada, sharciga ganacsiga gudaha, sharciga maalgashiga shisheeye iyo sharciga kala xadaynta ganacsiga oo hirgelintiisii ay dhiman tahay.

Mudane Khaliif oo ka hadlayey dhibaatada ay budhcad badeedu ku hayso ganacsiga dalka sida markabkii ugu dambeeyey ee reer Somaliland u rarnaa ee dhowaan laga soo daayey, waxa uu xusay inay xidhiidh la sameeyeen Hayadaha ilaalinta xeebaha iyo gooshitaanka biyaha caalamiga ah ayna ka wada hadleen sidii ganacsiga Somaliland looga badbaadin lahaa gacanta Budhcadda, sidoo kalena maraakiibta isaga gudbaysa Xeebaha Somaliland iyo wadamada ganacsigu ka dhexeeyo loogu heli lahaa hub fudud oo la waafajiyo shuruucda caalamiga ah ee jirta. Wasiirka Ganacsigu waxa uu intaas ku daray in maalmihii u danbeeyay dhegaha dadweynaha ay soo gaadhaysay kor u kac ku yimid qiimaha shiidaalka taas oo uu ku sababeeyay Maraakiibta Shiidaalka oo cabsi xoogan ka qaba kooxaha budhcad badeedka ah.

Sidoo kalena waxa uu  Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Mudane C.risaaq Khaliif Axmed sharaxaad ka bixiyey Labada Maxjar ee Xoolaha ee Magaalada Berbera oo uu sheegay in markii hore Maxjarka dawladdu uu ahaa 7 doollar, hase yeeshee markii ay Xukuumada uu ka tirsan yahay la wareegtay Maamulka dalka  ay ganacsatada reer Somaliland uga dhigtay Khidmad dhan Laba dollar, taasoo uu sheegay inay ka danbaysay cabasho ka timid dhinaca Ganacsatada reer Somaliland.

Wasiirka oo ka hadlayey dhinaca maalgashiga waxa uu sheegay inay tanaasulaad badan iyo dhiirrigelin u sameeyeen wershadaha laga hirgelinayo wadanka gudihiisa sida cashuur dhaaf, qalabkooda iyo waxayaabaha caydhiin ee loo isticmaalayo wershadahaasi.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net