Xukuumadda Somaliland oo Qiratay in Dalkeedu Marin u yahay Gabbood-fallada iyo Ganacsiga Sharci-darrada ah ee Duurjoogta

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Guuraaga Marwo Shukri Xaaji Ismaacil Baandare, ayaa shaaca ka qaadday in Ugaadha Sharci-darrada ah si kootarabaan iyo qarsoodi ah looga dhoofiyo Xeebaha dalka qaar ka tirsan, hase-yeeshee, waxay ku doodday inay digniino hore ka soo saartay, immikana ku dedaalayso wax-qabashada ka Ganacsiga Sharci-darrada ah ee Ugaadha oo uu Harima-cadka ugu horreeyo.

Hadalka Wasiirka ayaa ka dambeeyey ka dib markii Warbixin ay London ka soo saareen Ururka caalamiga ah ee ilaalinta Duur-joogta Adduunka ee CITES, ku sheegay in Samaliland Marin muhiim ah u noqday Dhoofinta Ugaadha Sharci-darrada ah oo ay sheegeen in dalalka Khaliijka loo dhoofiyo.

HALKAN KA DAAWO