Xukuumadda Somaliland Oo Mucaaradka Uga Shakisan Gacmo Shisheeye Oo Darawalinaya Go’aamadooda

“Ninka Maamuli Kari Waayay Intii Reerkiisa Kala Socotay, Garan Maayo Siduu Qaranka”

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda haysa talada Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in Muddo-kordhinta labada sanadood ah ee Madaxweynaha loo sameeyay ay tahay Sharci isla-markaana aan laga noqonayn oo uh Madaxweynuhu dhamaysanayo.

Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed oo Arbacadii maanta saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ku eedeeyay inay baal-mareen shuruucda dalka u taalla, taasina khatar ku tahay laftooda.

Wasiir Siciid Sulub wuxuu ka hadlay in Xisbiyada Mucaaradku ay Toddobaadkii hore codsadeen inay la kulmaan Madaxweynaha, markii uu kulankaa aqbalayna ay codsadeen in laga soo horraysiiyo 13-kii November, hase-yeeshee ay ku deg-degeen go’aankio ay Kalsoonida kagala noqdeen Madaxweynaha, Cali Maxamed Warran-cadde oo farriin loogu dhiibayna lagu rabshay Guriga Musharrraxa Xisbiga WADDANI, arrimahaas oo dhamina yihiin masuuliyad-darro.

Wasiir Siciid Sulub wuxuu Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka ah ku eedeeyay Masuuliyad-darro, si gaar ahna wuxuu Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI ugu eedeeyay inaanu Maamulin karin dadka beeshiisa ee Xisbiga WADDANI taageersan, isagoo daba socda buuq iyo hadallo hanjabaad ah oo Cali Warran-cadde oo ergo ahaa kaga dhacay Guriga Cabdiraxmaan-cirro iyo buuq isaga Siciid ahaan lagaga sameeyay Xabaalaha Bariga Hargeysa xilli lagu aasaasayey dhallinyaro ku dhintay Mudaharaadkii Mucaaradku sameeyeen bishii October.

Somaliland waxa muddooyinkii u dambeeyey ka taagan khilaaf salka ku haya doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda ta soo horraynaysa.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID, ayaa doonaya in Doorashada Ururradu ka dambayso ta Madaxtooyada isla-markana marka koowaad dalka laga qabto doorashada Madaxtooyada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net