Xukuumadda Somaliland oo markii u horreysay ka hadashay Qaabkii Odayaal-dhaqameedka Soomaaliya ku yimaaddeen Dalka iyo Aragtida uga soo baxday

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horeysay ka hadashay Nidaamkii ay odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliya ku yimaaddeen Somaliland iyo aragtida xukuumad ahaan uga soo baxday Socdaalkooda oo ay ku tilmaantay guul wax ku-ool ah iyo garownshiiyo laga bixiyey qaddiyadda Shacabka Somaliland.

Wasiir Kuxigeenka WarfaafintaKontomeeyo qof oo isugu jira Madax-dhaqameed, odayaal, siyaasiyiin iyo Aqoonyahan ka soo kala jeeda gobollada Soomaaliya, ayaa dhowaan Socaal ku yimi Somaliland, waxaanay kulamo la qaateen Madax-dhaqameedka, Ururrada Bulshada iyo Xisbiyada mucaaradka ah, iyaga oo ujeeddada socdaalkeeda ku micneeyey mid la xidhiidha sidii ay wax uga baran lahaayeen doorka madax-dhaqameedka dhiggooda ah ee Somaliland ka qaateen hirgelinta nabadda iyo dimuqraadiyadda Somaliland.

Odayaal-dhaqameedka Soomaaliya markii ay dalka ku sugnaayeen muddo laba maalmood ah, ayay xukuumadda Somaliland ka hadashay ujeeddada socdaalkooda, waxaanay sheegtay inay odayaashaasi iskood u yimaaddeen dalka si ay wax uga bartaan xaaladaha nabad-gelyo iyo horumarineed ee dalka ka jira, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Daahir Cukuse oo ka gaabsaday inuu sheego doorkii ay ku lahaayeen safarka Oday-dhaqameedka Soomaliya.

Haseyeeshee, wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Somaliland, Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, ayaa sheegay inay Xukuumadda uu ka tirsan yahay la soo xidhiidheen Odayaal-dhaqameedka Soomaaliya ka hor intii aanay dalka ka iman isla markaana ay ka dalbadeen safar ay ku yimaaddaan Somaliland.

Wasiirku waxa uu ku dooday inay xukuumad ahaan u arkaan faa’ido wax weyn ka beddelaysa fekerkii hore ee shacabka Soomaaliya booqashada ay Oday-dhaqameedka Soomaaliya, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Annagu waxaanu qabnaa xukuumad ahaan inay faa’ido inoo tahay dadka inoo yimaadda inay arkaan mawqifka dadka reer Somaliland oo waxaanu isleenahay waxyaabo badan ayay ka beddelaysaa, maantana way qanceen ayaan aaminsanahay sida ay Reer Somaliland ugu midaysan yihiin qadiyaddan (madax-bannaanida Somaliland),” ayuu yidhi Wasiirku.

Md Cabdiwaaxid oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Dadka Soomaalida ah dawladnimadaa u kala duwan, mana jaro Sharci kala xadaynaya in dadka Soomaalida ahi is-dhex socdaan. Waxa jira dad reer Muqdisho ah oo Hargeysa jooga, ka ganacsada oo ku dhaqan. Ina Sharciga kaliya ee innaga dhexeeya waxa weeye, dadka Somalilanders-ka ah ee Xamar xil ka qabta in tallaabo laga qaado.”

Mar la weydiiyey in Odayaashu iskood u yimaaddeen iyo haddii xukuumaddu marti-qaad u fidisay, waxa uu ku jawaabay, “Nin ku yidhi waan kuu imanayaa oo aan ogaado Xaaladdaada, cid diidaysaa ma jirto, Xukuumadduna way ogolaatay,” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiqaadir oo xafiiskiisa ugu warramay wariye Cabdishakuur Xaaji Muxumed oo ka tirsan Radio Hirad.

 

SOMALILANDPOST.NET