Xukuumadda Somaliland oo loogu baaqay inay Wax ka Qabato Adeegyada Aasaasiga ah ee Bulshada Degmada Xuddun, kana faa’idaysato Kheyraadka Dabiiciga ah ee ku Duugan (MUUQAAL + SAWIRRO)

Xudun (SLpost)- Maamulka, siyaasiyiinta iyo Bulshada deegaamada Sool, gaar ahaan degmada Xuddun ee gobolkaas, ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay shacabka uga faa’ideeyaan kheyraadka dabiiciga ah ee ku duugan deegaanada ku xeeran Degmada Xuddun.

Maamulka degmooyinka Laascaanood iyo Xuddun, Wax-garad iyo siyaasiyiin deegaankaas ka soo jeeda, ayaa kormeer  ku maray Xarumaha adeegyada aasaasiga ah ee degmada Xuddun ee gobolka Sool, iyaga oo soo indho-indheeyey xaaladda nololeed ee dadka deegaanka, waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey dadweyne isugu jiray Haween Carruur iyo waayeelka deegaanka.

Weftigan ay xubno ka yihiin Maayarka Degmada Xudun ee Gobolka Sool Faarax Cali Ibraahin ay Weheliyaan Axmed Maxamed Caateeye (Awoowo) oo ka mid ah Siyaasiyiinta degmadaasi yo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka ee Now ee Gobolka Sool Nadiifo Maxamed Colu-joog waxay lugta Kormeerkooda ku soo mareen Deegaamada Awr boogays,Lafa weyne, Hol Hol, Bohol, Gorofley, Laasa Curdin, Xangey iyo Ceelka Shiidaalka ee Hol Hol iyagoo warbixino ka dhagaystay Waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee ku dhaqan Jiidaha ay safarka ku soo mareen,oo Xukuumada Somaliland ka codsaday inay wax kala qabato baahiyaha aasaasiga ah ee Shacabku u degmadaasi u baahan yihiin.

Axmed Maxamed Caateeye (Awoowo) ayaa wasaarada Macdanta iyo Tamarta ku amaanay hawsha balaadhan ee sahaminta Shiidaalka ah ee ay ka wado Goobo ka mid ah dalka waxaanu xusay in ilgaar ah lagu eego Ceelka Deegaanka Hol Hol oo Mudo hore uu Sheegay in laga helay Shiidaal waxaa kale oo uu bulshada ku nool Jiidaha degmada Xudun ugu baaqay inay isgarab taagaan hawlaha waxqabad ee Degmadu u baahan tahay.

Maayarka Degmada Xudun ee Gobolka Sool Faarax Cali Ibraahin ayaa sheegtay in Ujeedada Kormeerkoodu uu salka ku hayay Xog Ogaal u noqoshada xaalada Nabadgalyo iyo Nololeed ee Jiida degmadaas oo Koobsata deegaamo badan waxaa kale oo Maayarka Degmada Xudun uu xusay inay gaadhsiiyeen deegaamada degmadaasi Raashin ay ku deeqday dawlada Turkigu oo dhan laba Kun oo Kiish,kuwaas oo uu sheegay inay si habsami leh qaybintoodii ugu soo Gabagabaysantay.

DAAWO MUUQAALKA

Waxaa kale oo halkaasi ka hadashay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka ee Now ee Gobolka Sool Nadiifo Maxamed Colu-joog iyo qaar ka mid ah Waxgaradka deegaamada Degmada Xudun ee Gobolka Sool.

Somalilandpost.net

Xuddun, Sool

Somaliland