Xukuumadda Somaliland oo lagula taliyey inay la timaaddo Qorshe ay kaga hortagayso Hadimada Soomaaliya

Somaliland Vs SomaliaHargysa (SLpost)- Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa Xukuumadda u soo jeediyey inay la timaado Siyaasad ay ku waajahado isku day kasta oo Dawladda Somaliya, doonayso inay Somaliland wax ku yeesho.

Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Somaliland iyo Somaliya waxay kala ahaan jireen laba Wadan oo kala madax-banaan intii ka horeeysay 1960, Somaliland waxay ahayd maxmiyad Ingiriis, halka Somaliya uu Talyaanigu haystay, waxaynu Somaliya inoo dhexeeyey xuduud, inaga ayaa ka hor qaadanay xoriyada, kadibna inagoo raadinayna shantii Somalida ayeynu isku biirnay, inagoo laba dal kala ah, markii dambena dib ayeynu ugala soo noqonay xoriyadii aynu iska luminay,  balse haddii aan soo qaato tusaalooyin iyo qodobo muhiim ah,  Qodobka kowaad Somaliland iyo Xidhiidhkeena Beesha Caalamka waxaan odhan karaa waa  talaabo wanaagsan oo hore loo qaaday,waxaana soo jeedinayaa in halkaas laga sii kordhiyo, oo Siyaasadeena Arrimaha Dibadda sare loo qaado, oo aynu xoojino xidhiidhka inaga dhexeeya Wadamada aynu jaarka nahay iyo kuwa Caalamkaba, qodobka labaad   dad badan oo Somaliland ah ayaa ku nool Wadanka UK, ama boqortayada Ingiriiska,oo wax ka barta, oo ka ceesha,Wadankana wax soo tara,Wasiirka Ingiriiska ee dalkeena yimidna, xaq buu u lahaa inuu yimaado,  qodobka saddexaad waa is bedelka ka socda Geeska Afrika, waa inay Somaliland indhaha ku haysaa, maxa yeelay Caalamka oo dhana is bedelo ayaa ka socda, taariikh ahaan iyo juruqraafi ahaanba is bedelo ayaa imanaya, waana muhiim inaynu indhaha ku hayno is bedel kasta oo yimaada”

Xildhibaan Raygal mar uu ka hadlaayey Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Somaliland haddi iaynu nahay cidna cadaw kuma nihin, cidna horumarkeeda kama xumin, balse cid kasta oo isku dayda inay waxyeelo inoo geysto waa inaynu waajibkeena ka gudanaa, Somaliya oo aynu kala soconayna maaha inay ilaa hadda ay ina daba socoto, Somaliyana dhibkii ay dadkayaga marsiisay ayaanu ognahay,haddii aanu hore bohol iyo god  ugu dhacayna mar dambe ku dhici mayno, ee Xukuumaddu waa inay la timaada siyaasad qoto dheer oo ay ku wajaahayso cadawad kasta oo Somaliya inagaga iman karta, ha noqoto cadaawad muuqata ama mid qarsoon, ”.

Xildhibaan Raygal mar uu Shacabka baaq u diraayeyna wuxuu yidhi “ALLE ka sakow, Shacabku iyaga ayaa nabadooda iyo qaranimadooda ilaashanaya, ee Xukuumaddooda iyo dawladooda, ha garab taagnadaan, waana inay isku duubnadan, oo midnimadooda iyo walaaltinimadooda meel uga soo wada jeestaan, kana dheeradan wax kasta oo tafaraaruq ku keenaya”.