Xukuumadda Somaliland oo laashay Ruqsadaha Shirkadaha Isgaadhsiinta

Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland, ayaa gebi ahaanba laashay ruqsadihii ay ku shaqaynayeen Shirkaddaha Isgaadhsiinta ee dalka, waxaana lagu amray in ay dib u soo codsadaan qaadashada Liisamada.

Go’aanka Wasaaraddu ku amartay shirkadaha inay soo codsadadaan Ruqsadaha, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii loo waafajin lahaa xeer-nidaamiyaha adeegyada Isgaadhsiinta Dalka oo ay wasaaraddu sanadkii hore soo saartay.

Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Cabdiwali Suufi Jibriil maanta, ayaa lagu socodsiiyey Shirkaddaha ay ka mid yihiin Telesom, Somtel, Golis Somaliland, Nationlink, Africa Online iyo Somcable, iyadoo ogaysiis lagu siiyey Madaxweynaha, Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Baanka, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.

Wareegtadan waxa Shirkaddaha isgaadhsiinta loogu qabtay in ay Liisanka cusub ku soo codsadaan muddo 30 Maalmood gudahood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda wareegtadu soo baxday oo maanta, waxaanay u dhignayd sidan:-

“Mudaneyaal Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadu iyadoo dhaqan gelinaysa xeer-nidaamiyaha ruqsadda adeegyada Isgaadhsiinta Xeer- nidaamiye Lr.02/2020 waxa ay laashay dhamaan ruqsaddaha Isgaadhsiineed ee ay haystaan shirkaddaha bixiya adeegyada kala duwan ee Isgaadhsiinta, laga bilaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 11/01/2021.

Haddaba waxa ku waajib ah adeeg-bixiyeyaasha in ay soo codsadaan ruqsadaha isgaadhsiineed qaab waafaqsan xeer-nidaamiyaha ruqsadda adeegyada Isgaadhsiinta muddo 30 maalmood ah oo ka bilaabmaysa maanta”ayaa lagu yidhi Wareegtadan oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Cabdiweli Suufi Jibriil.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net