Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Xidhiidhka Taiwan iyo Saamaynta Shiinaha

London (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay sababaha ka dambeeya inay xidhiidh dibloomaasi iyo mid ganacsiba la yeelato Waddanka Taiwan isla markaana ay dhabarka u jeediso Dalka Shiinaha oo ka mid ah quwadaha ugu horreeya caalamka, kaas oo aaminsan in Taiwan tahay qaybka mid ah dal-weynaha Shiinaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd Raagsaale ayaa sheegay in dalalka Somaliland iyo Taiwan yihiin mataano wadaaga arrimo badan oo ay kaga duwan yihiin dalalka dunida iyo sidoo kale waddamada aqoonsi-raadiska ah,  taasina ay tahay sababta Somaliland ugu dhiirratay xidhiidhka Taiwan.

Dr Ciise Key doo isagoo ku sugan dalka Ingiriiska la weydiiyey sababaha keenay inay Somaliland dal-weynaha Shiinaha ka door-biddo xidhiidhka Taiwan oo xurguf ka dhaxayso, waxa uu sheegay inay Taiwan iyo Somaliland wadaagaan arrimo ay ka mid yihiin qadiyadda aqoonsi-raadinta, dimuqraadiyadda, fur-furnaanta Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Xorta ah, xorriyatul-qawlka iyo xuquuqda bani’aadamka, kuwaas oo uu sheegay inaanay ka jirin waddamo la aqoonsan yahay oo Dalka Shiinuhu ku jiro.

Wasiirka oo ka hadlayey taageerooyinka wax-qabad ee dowladda Taiwan ka caawisay Somaliland, waxa uu sheegay inuu dalka Taiwan ka caawiyey Jamhuuriyadda Somaliland dhinacyada Beeraha, caafimaadka iyo Teknoolajiyadda, isla markaana ay rejaynayaan taageerooyin kale oo ku saabsan dhinacyada kaabayaasha Dhaqaalaha.

“Waxay naga taageeraan waxyaabo badan sida Beeraha iyo Teknoolajiyadda, kuwo kalena waanu rajaynaynaa inay naga taageeraan,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda oo u warramayey Laanta Afka Soomaalida ee BBC-da.

Muuqaalka Hoose ka daawo Waraysiga oo dhammaystiran

https://www.youtube.com/watch?v=r96dhtIBoR8

Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa daba-yaaqada sannadkii 2019-kii cilaaqaad la furtay waddanka Taiwan, taas oo sababatay in labada waddan is-dhaafsadaan wakiillo dibloosiyeed sannadkii 2020-dii, waxaana arrintaas ka cadhooday dal-weynaha Shiinaha oo Somaliland u soo diray wefti uu hoggaaminayo Safiirka China ee Muqdisho oo booqasho ku yimi Somaliland badhtamihii 2020-kii.

Safiirka Shiinaha ayaa madaxweynaha Somaliland u soo bandhigay mucaawimooyin iyo taageero dhaqaale dowladda Shiinuhu siinayso Somaliland, taas beddelkeedana ay gebi ahaanba joojiyaan xidhiidhka ka dhexeeya Taiwan. Haseyeeshee, madaxweynaha Somaliland ayaa ku gacan-saydhay qorshaha dowladda Shiinaha, waxaanu u caddeeyey inay Somaliland tahay waddan madax-bannaan oo cidda danaheedu ku jiraan xidhiidh la yeelan karta, dowlad ahaanna ay u diyaar u yihiin inay xidhiidh la yeelanayaan dowladda Shiinaha si la mid ah waddamada kale ee adduun oo Taiwan ka mid tahay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net