Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Soo-la-kacleynta Cudurka Covid19 iyo Qorshaha lagu Waajahayo

Wasiirka Caafimaadka Somaliland
Wasiirka Caafimaadka Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi Bade, ayaa ka hadlay soo laba kacleynta xannuunka safmarka ah ee Covid-19 iyo qorsheyaasha ay xukuumad ahaan ku wejahayaan.

Wasiirku waxaa uu bulshada u diray fariin la xidhiidha ka hortaga xannuunka safmareenka ah ee Covid-19 oo fiditaankiisu mar kale dillaacay iyada oo xiligan lagu jiro wakhtigii qaboobaha una nugul yihiin dadka xannuunada kale leh.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland
Wasiirka Caafimaadka Somaliland

“Xannuunkii safmareenka ahaa ee Covid-19 waa uu soo laba kacleeyay, waddamada jaarkuna waxaa ay qaadeen tallaabooyin hor-leh, kuwaasi oo lagu xakameynayo isu-socodka bulshada, dalka Jabuuti ayaana ugu horreysa, dadka waxa aanu ku wargelinayna xannuunkaasi inuu jiro oo uu soo laba kacleeyay, xannuunkani waa mid adduunka ka xoog batay oo la maareyn kari waayay.

Illaahay wuu inaggu badbaadiyay isku tashigeeni, iyo tallooyinkii caafimaadkii aggaasinkii iyo abaabuulkii aynu galnay.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas raaciyey, “Immikana tii ayaynu ku celinayna dadku inay u hoggaansamaan tilmaamaha caafimaadka, gaar ahaan dadka la nool xannuunada in si gaara loo ilaaliyo, wakhtiga aynu ku jirnaana waa wakhti qaboobe ah, dadkuna in ay joogteeyaan falaxalkii, kala fogaanshihii iyo af-saabkii,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo hadala ka jeediyey munaasibad uu ku dhagax-dhigay xarumo caafimaad oo laga hirgelinayo magaalada Boorame ee gobolka Awdal Khamiistii shalay.

Xarumaha Caafimaad ee Wasiirku ka dhagax-dhigay magalaada Boorama oo uu shalay u socdaalay, ayaa bilow u ah safar uu ku marayo dhammaan gobollada dalka oo wasiirku ka dhagax-dhigayo mashaariic caafimaad oo xukuumadda iyo hay’adaha adeegyada caafimaadka kala shaqeeyaa ka hirgelinayaa guud ahana dalka.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net