Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Sababaha Shaqada looga joojiyey Ururka FURSAD FUND oo Ujeeddiisa tuhunno ka dhasheen

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay Shaqadii ka joojisay, kala noqotayna xuquuqda uu kaga hawl-geli karo dalka Urur ujeeddadiisa iyo hawsha uu qabanayaa shaki badan abuurtay, kaas oo laga leeyahay dalka Soomaaliya.

Ururka oo lagu magacaabo FURSAD FUN oo lagu aasaasay Muqdisho, ayaa badhtamaha sannadkii hore hawlo shaqo ka bilaabay gudaha Somaliland, iyadoo lagu sheegay inay maalgelin u samaynayaaan dhalinyarada la timaadda fekerrada ganacsi si shaqo abuur ugu sameeyaan dhalinyarada.

Go’aankan shaqada lagaga joojiyey ururkan waxa shaaca ka qaadday wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland oo sheegtay in ururkaasi u hoggaansami waayey shuruucda dalka iyo xeerarka ururrada maxalliga ah, sida uu sheegay wasiir ku-xigeenka Wasaaraddaas Xuseen Ibraahim Xasan  (Buuni).

WARKAN OO FAAHFAAHSAN KA DAAWO MUUQAALKA HOOSE
https://www.youtube.com/watch?v=9g-EvjkhKcE