Xukuumadda Somaliland oo ka Hadashay Natiijada Kulan ay Isku-horfadhiisteen Ergaga Somaliya u metalaysa Wada-hadallada laba dhinac

Istanbul (SLpost)- Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgeshiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa ka hadlay kulan maanta isku soo horfadhiisteen ergooyinkii ka kala socday dawaladdaha Somaliland iyo Soomaaliya.

Kulankan oo ahaa mid soo dhaweyn ah oo uu u sameeyay labada ergo Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkigu waxay labada dhinac kusoo bandhigeen ajandeyaashooda iyo waxyaabaha ay ka rajaynayaa shirka afraad ee wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo maanta si rasmi ah uga furmaya magaalada Ankara.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgeshiga Caalamiga ee Somaliland Dr. Maxamed Cumar oo hogaaminaya ergada Somaliland uga qaybgalaysa wada-hadaladii afraad ee dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya oo la hadlay saxaafada ayaa faahfaahin ka bixiyay shirka uu u qabtay Wasiirka Khaarajiga Turkigu, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii.

WEFTIGAA“Shirkan aanu la yeelanay Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Dawladda Turkiga wuxuu ahaa shir lagu furayay wada hadalada labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya oo beri (maanta) si rasmi ah u bilaabmaya, markaa shirkii maanta (shalay) oo ahaa shir aanu wada-jir uga qaybgalnay labadii wefti ee Somaliland iyo Soomaaliya, marti qaadkaa uu noo fidiyay Wasiirka Arrimaha ee Turkiga, waxaanu kaga wada hadalnay warbixin kooban oo aanu ka bixinaynay waxyaabaha aanu ka filayno shirka soo socda ee labada dalka ee saddex maalmood halkan (Ankara) ka soconaya iyo shirarkii aanu hore u galnay arrimihii lagaga wada hadlay ayaa ugu horeysay wixii aanu ka wada hadalnay.”

Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sidoo kale hadlay rejadiisa ku wajahan wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi. “Dhinaca kalena waxaanu u arkaynay guddidii xaga Soomaaliya inay diyaar u yihiin in wada-hadalada aanu halkaa kasii ambo-qaadno, waxaanan rajaynayaa in arrimo faaqidan oo labada dal u astaysan ama u qorshaysan aanu ka wada hadalno. Waxa kale oo aanu u mahad celinayaa dawladda Turkiga oo soo dhaweyn iyo taageero wanaagsan u fidisay labada dalba inay ku wada hadlaan dalkooda wax ala farsamo iyo taageero ah ama ra’yi ay hayaan u soo gudbiyaan, arrintaas walaalaha Turkiga aad baan uga mahad celinaya,” ayuu yidhi Dr Cumar.

SOMALILANDPOST.NET