Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Kacdoonada Ka Socda Itoobiya

Hargeysa (SL.Post) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon), ayaa ka hadlay qalalaasaha iyo kacdoonada ka socda dalka Somaliland la jaarka ah ee  Itoobiya, isagoo ka hadlay  hadlay saameynta ay kacdoonadaasi ku yeelan karaan Somaliland.

daaw-wasiirka-arimaha-gudaha-som

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafyada dhulka iyo dhibaatada ay ku hayaan dadka, waxaanu Siyaasiyiinta kala duwan ee dalka ugu baaqay inay danta qaranka ka shaqeeyaan oo wixii lid ku ah iska dayaan, waxaanu ugu horayn isagoo ka hadlaya rabshado Axadii ka dhacay Wajaale uu yidhi “Laba qof baa ku dhintay Wajaale ILLAAHAY ha u naxariisto, qof dhaawac dhintay, iyo qof markii hore dhintay, khilaafyada dhulka waa dhibaatooyin taagan, oo dalkoo dhan ka taagan, dhulkana khilaafadkiisi baa batay, Dawladduna hadda wixii dhiba ah ee dhaca gacanta ayey ku qabanaysaa, oo hadeerna gacanta ayey ku haysaa arinta Wajaale ee Dhulka, dadkana waxaan ku waaninayaa oo aan u jeedinayaa in cudurkan dhulka ee dadkii dhibaatada ku noqday ee dadkii iska hor keenaya, in la iska ilaaliya, oo laga feejingaado”

Wasiirka Arrimaha Guddaha mar aanu wax ka weydiinay qalalaasaha ka socda Itoobiya iyo sameeynta ay ku yeelan karto Somaliland ayaa ku jawaabay “Itoobiya waxaan ugu baaqaya in khilaafadkaas iyo burburku  sababayo in laga digtoonado, dadkeenana waa inay ka feejinaadan, oo taxadir badan laga qaato, oo aanu saamayn inagu yeelan, oo dadka ka soo cararaya ee khilaafaadka ka soo baxaya ee dalka soo galaya lala socdo, in guud ahaan aynu ka taxdirno, oo aynu dalkeena ilaashano ayaan ku talin lahaa”

Wasiirka Arrimaha Guddaha mar aanu wax ka weydiinay Siyaasiyiinta Axsaabta iyo dhaliilaha ay isku jeediyaan ayaa ku jawaabay “Siyaasigu waxa uu Siyaasi ku yahay marka uu dalkiisa iyo dadkiisa ka hadlayo, oo aragtida uu dalkiisu ku hagaagayo uu soo bandhigo,kaas ayaa Siyaasiya,balse Siyaasi dalkiisa burburinaya Siyaasi maaha, lagumana sifeeyn karo Siyaasi, markaas waxaan Siyaasiyiinta kula talinayaa in danta dalka ka hadlaan, oo wixii dan ah ee dalku ku hagaagayo ka hadlaan, oo aanay ka hadal wax qaranka lid ku ah kana hor imanaya qaranimada dalka”.

 

Sooltoday/News