Xukuumadda Somaliland oo ka digtay Khatarta Duufaan ku soo wejahan Xeebaha Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa digniin ka soo saartay Duufaan oo lagu magacaabo KYARR oo la saadaaliyey inay ku soo waajahan tahay Xeebaha Somaliland.

Maareeyaha Hay’adda u diyaar-garowga Masiibooyinka Dabiiciga ah ee Somaliland, Faysal Cali Sheekh oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa digniin u diray shacabka ku dhaqan deegaannada ku deetsan xeebaha dalka.

“Waxa jira Duufaano Xooggan oo ka soo kacay Waqooyiga Bad-weynta Hindiya, duufaannadaa oo derajadooda illaa 4 lagu tilmaamay, waxa saamayntoodu illaa hadda ka bilaabantay Xeebaha Cumaan, waxaana la filayaa inay u soo gudbaan dhinaca Xeebaha Somaliland, gaar ahaan Laasqoray, Maydh, Xiis, Onqor, Berbera, Bulloxaar, Ceel Sheekh, inay halkaa soo gaadho ayaa la filayaa, Ilaahay og, laakiin Waajibaadka na saarani waa inaanu Ummadda uga digno Wakhti ka hor, markaa waxaanu jecelahay inaanu Dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan Dadka ku nool deegaannadaasi inay ka digtoonaadaan,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Sheekh.

Faahfaahinta Warkan kaga bogo Muuqaalka Hoose