Xukuumadda Somaliland oo ka digtay in Goobaha Waxbarashadu noqdaan Meherado Ganacsi

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, ayaa ka digtay in Goobaha Waxbarashada gaarka loo leeyahay noqdaan meherado ganacsi oo macaash-doon ah, wasaarad ahaanna ay ku ilaalinayaan inay soo saaraan arday tayo leh.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, mudane Axmed Abokor Maxamed, ayaa ka hadlay sida ay xukuumadda Somaliland uga go’an tahay in aanay goobaha waxbarashadu noqon meelo ganacsi loo furto balse muhiimadu ay tahay in ay soo saaraan arday tayo leh.

Sidoo kale agaasimuhu waxaa uu ka hadlay agaasimaha guud waxbarashada farsamada gacanta iyo kaalinta ay kaga jirto horumarka ummadeed iyo mudnaanta ay xukuumaddu siinayso horumarinta waxbarashada farsamada gacanta.

Dhanka kale waxaa uu ka hadlay deeqaha waxbarasho ee jaamacadaha dalka oo ay u qaateen arday ka soo jeeda qoysas danyar ah oo dalka oo dhan ah oo la soo xulay, kuwaasi oo sannadkan dhan 257-arday, oo laga soo xulay intii soo codsatay in laga qayb geliyo deeqaha waxbarasho ee jaamacadaha dalka, laguna qiimeeyay xaaladahooda gaarka ah.

Agaasimaha guud oo wareysi gaara siiyay Dawan Media Group, waxyaabaha kale ee uu ka hadlay waxa ka mida sida waxbarasho loogu helayo, carruurta reer miyiga, ee loo soo gaadhsiinayo kuwa magaalada, dedaalka dawladda ee ubadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo tayeynta macalimiinta dalka.