Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland Md Maxamed Muuse Diiriye, ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo shir-jaraa’id oo shalay uu magaalada Muqdisho ku qabtay ku sheegay inay jiraan qaar ka mid ah Shacabka Somaliland taageersan midnimada Soomaaliya.
Wasiir Maxamed Muuse Diiriye oo la hadlay saxaafadda, ayaa gaashaan-ka ku dhuftay hadalka ka soo yeedhay reysalwasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo uu ku tilmmaaay hadal iyo wedho aan xaqiiqada ku salaysnayn.
MUUQAALKAN HOOSE KAGA BOGO HADALKA WASIIRKA WARFAAFINTA SOMALILAND
Raysalwasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa dhalasho aahaan ka soo jeeda Somaliland, isagoo ka mid ahaa xubin ka mid ah guddiga Doorashooyinka Qaranka oo loo magacaabay 2008-dii, isagoo ka mid ahaa Xubnaha Komishankii dalka ka qabtay Doorashooyinkii Madaxtooyada 2010-kii iyo Deegaanka 2012-kii, isagoo xilkaas ka hor ahaa ahaa la-taliyihii dhinaca sharciga ee Guddiga doorashooyinka 2002 ilaa 2008 isagoo wakhtigaasna ahaa Macalin Sharciga ka dhiga Jaamacadda Hargeysa.
Sannadkii 2017-kii markii xilka madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa xilka reysal-wasaare ku xigeenka loo magacaabay Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar),
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net