Xukuumadda Somaliland oo Jawaab ka bixisay Hadal ka soo yeedhay Dowladda Imaaaraadka Carabta

Hargeysa (SLpost)- Xukuummadda Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay hadal ka soo yeedhay Dowladda Imaaraadka Carabta oo sida laga soo xigtay sheegtay in heshiiska maalgeshiga Dekedda Berbera ay ogolaanshihiisa bixisay Dowladda Soomaaliya, arrintaas oo muran siyaasadeed ka dhex abuurtay gudaha Somaliland.

somaliland_UAEWasiirul-dowlaha Arrimaha Dibadda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash oo waraysi siiyey laanta Afka Carabiga ee BBC, isla markaana ay hadalkiisa soo tarjuntay laanta Afka Soomaaliga ee BBC, ayaa sida hadalkiisa loo tarjumay waxa uu sheegay inay heshiiska maalgeshi ee dekedda Berbera ogolaanshaheeda ka qaateen dowladda Soomaaliya xilligii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo xusay inaanay Somaliland u aqoonsanayn dowlad madax-bannaan, siyaasaddooduna taageerayso midnimada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire oo isagoo ku sugan magaalada ee dalka Ingiriiska oo uu kaga qayb-galay shir ku qabsoomay Aqal Chattam House, ayaa ka hadlay arrintan oo wax laga weydiiyey.

Wasiirku waxa uu arrintan iyo arrimo kale oo ku saabsan ujeeddada socdaalkiisa dalka Ingiriiska iyo qodobbo uu kaga hadlay khudbad uu ka jeediyey shirkaas uga warramay weriyaha qaaradda Yurub u qaabilsan Telefishanka Qaranka.

Muuqaalka Hoose ka Daawo waraysiga oo faahfaahsan