Xukuumadda Somaliland oo Jawaab ka bixisay Dacwad Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa si adag uga jawaabtay Dacwad ay dawladda Soomaaliya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga gudbisay xidhiidhka ganacsi iyo dibloomaasiyeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Dowladda Imaaraadka Carabta.

 

Wakiilka Somaliland  u fadhiya dalka Kenya, Baashe Cawil Cumar ayaa  sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal madax-bannnaan oo aanay jirin wax ka hor istaagaya inay la macaamisho dalalka kale ee caalamka.

 

Danjire Baashe Cawil wuxuu sidaasi ku sheegay warbixin  uu daabacay Warsidaha ugu caansan dalka Kenya ee Daily Nation oo aanu warkan ka soo xigannay.

 

Mudane Baashe Cawil waxa uu deel-qaaf iyo meel-ka-dhac ku tilmaamay tallaabada Dawladda Soomaaliya oo  ka xumaatay  socdaalkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku tagay dhowaan dalka Imaaraadka Carabta oo ay heshiisyo hore u wada galeen Somaliland, waxaanu  cambaareeyey go’aanka Soomaaliya Golaha Ammaanka ugu gudbisay dacwad ka  dhan ah dalka Imaaraadka Carabta oo ay ku haysato Socdaalkii Madaxweynaha Somaliland.

 

Danjire Baashe Cawil  waxa uu ku dooday inay Somaliland tahay waddan madax-bannaan oo sii wadaya inuu aqoonsi caalamiya ka dalbado dalalka caalamka.

Waxa kaloo uu xusay in   Jamhuuriyadda Somaliland aanay wax fasax ah uga qaadaynin Soomaaliya   inay iskaashi la yeeshaan caalamka.

“Waxaan ku celinayaa in Somaliland ay tahay waddan madax-bannaan oo leh soohdimo la aqoonsan yahay, isla markaana ay leedahay dawlad la soo doortay. Somaliland waa u xor inay  cilaaqaad la yeelato dalalka caalamka ugamana baahna Soomaaliya wax fasax ah,” Sidaas ayuu yidhi Wakiilka Somaliland u fadhiya Nairobi.

 

SOMALILANDPOST NEWS