Xukuumadda Somaliland oo Jariimad Qaran ku eedaysay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa jariimad iyo Khimiyaamo Qaran oo lagu xaqiray Xuquuqda iyo Qaddiyadda Qaranka ku tilmaantay qoraal uu guddoomiyaha Xisbiga Waddani ku baahiyey Ciwaannada uu ku leeyahay Baraha Bulshada.

Guddoomiyaha Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa boggiisa Facebook ku baahiyey qoraal uu kaga xog-warramay natiijada kulan uu Hargeysa kula yeeshay Wefti ka socda dowladda Norway oo uu yeeshay inay ka wada-hadleen Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo Diyaar-garowga Doorashooyinka Golaha Guurtida iyo Madaxtooyada.

Guddoomiye Cirro waxa uu qoraalkiisa ku sheegay Inuu kulan la qaatay wax uu ku shegay Ergayga Dowladda Norway u qaabilsan Wada-hadallada iyo Dib-u-heshiisiinta Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya’.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa war-saxaafadeed xafiiskiisa ka soo baxay maanta ku sheegay in guddoomiye Cirro hadalkiisa ku xaqiray Xuquuqda jiritaan iyo Dowladnimo ee Somaliland, isagoo hadalkiisu tix-raacayo Kelmadda Dib-u-heshiisiinta oo ah kelmad uu guddoomiye Cirro u adeegsaday Xilka Ergayga Norway u qaabilsan wada-hadallada.

War-saxaafadeedka Wasiirka Warfaafinta, ayaa u qornaa sidan:- “Waxa ayaan darro ah in Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), uu u badheedhay inuu xaqiro Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii uu wadahadallada Somaliland iyo Soomaliya ku tilmaamay kuwo dib u-heshiiseed, taasi oo fajiciso ku noqotay shacab iyo Xukuumadba.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI wuxuu bartiisa Facebook ku soo daabacay kulan uu la yeeshay shalay sarkaal Dawladda Norway u qaabilsan wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu Guddoomiye Cirro masuulkaa ku tilmaamay inay qaabilsan tahay wadahadallada iyo dib u heshiisiinta Somaliland iyo Soomaaliya.

Tan iyo markii wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya bilaabmeen sannadkii 2012kii, marna laguma sheegin wadahadal dib u heshiiseeneed, hase ahaatee Ujeeddada Jamhuuriyadda Somaliland waxay ahayd, walina tahay, in wadahadalkaas uu yahay sidii ay u guran lahaayeen Somaliland iyo Soomaaliya.

Hadalka Guddoomiye Cirro waa khiyaamo qaran iyo jariimad uu ka galay dawladnimada soddon jirsatay ee Jamhuuriyadda Somaliland ku naalloonayso, mana aha markii ugu horraysay ee wuxuu ku caan-baxay inaanu xusaska 18ka May oo ah maalinta Qarannimada Somaliland aanu waligii ka qaybgalay xusaska munaasibadaas markii uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahaa iyo imika oo uu yahay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.

Hadalkiisani wuxuu daliil u yahay tuhunno hore oo shacbigu ka qabay inuu xidhiidh iyo gacan-saar hoose la leeyahay Soomaaliya, taasi oo ay sheegeen xubno ka tirsanaa xisbiga WADDANI oo uu ugu dambeeyey Cabdilaahi Daamur,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasiirka Warfaafinta.

Maaha markii u horeysay ee Xukuumadda Somaliland eedaymo noocan oo kale u jeediso Guddoomiye Cirro iyo Xisbiga Waddani. Tiraba dhowr jeer oo hore ayay xukuumaddu ku eedaysay inuu jiro Xidhiidh iyo Mabda’ lid ku ah Qaranimada Somaliland oo Guddoomiye Cirro iyo Xisbiga Waddani la leeyahay madaxda Soomaaliya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net