Xukuumadda Somaliland oo Jaan-goysay Korodhka Qiimaha Korontada

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa qiimo-go’an u xaddiday korodhka ku yimi Qiimaha Korontada oo ay dhawaan soo sareen shirkadaha bixiya adeegga Korontada kaddib markii kor-ukac ku yimi Qiimaha Shidaalka Caalamka.

Warqad aan tix-raac lahayn oo la sheegay inay soo saareen Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa lagu sheegay in Xukuumaddu go’aamisay in Qiimaha Halka Unit ee Korontada oo marka hore ahaa $0.50 lagu kordhiyo $0.10.

Shirkadaha bixiya adeegga Korontada ee dalka, ayaa go’aan ay soo saareen bilowgii bishan June, waxa ay qiimihii hore ee halka Unit ee Korontada ah ku kordhiyeen $0.34, iyadoo biilka qaan-sheegta shirkaduhu dadweynaha ku dallaceen ahayd $0.84 halka Unit, haseyeeshee komishanka Tamarta ee Somaliland, ayaa laalay go’aanka shirkadaha, iyagoo dadweynaha ku war-geliyey inay go’aan soo saari doonaan kaddib marka ay wada-hadlaan shirkadaha Korontada.

Go’aanka la sheegay inuu ka soo baxay Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa lagu xusay in jaan-goynta korodhka Qiimaha Korontada ee xukuumaddu soo saartay ku yimi kaddib markii la tixgeliyey sicir-bararka ku yimi Qiimaha shidaalka ee caalamka iyo kulamo dhexmaray Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada Somaliland, Komishanka Tamarta ee Qaranka iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegga Korontada.

Warku waxa uu intaas ku daray in Qiimaha Korontada ee dalka dib u eegis lagu samayn doono bisha tobnaad ee sannadkan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net