Xukuumadda Somaliland oo Hanjabaad ku soo Dhawaysay Hoggaanka Cusub ee loo doortay Maamul-goboleedka Puntland ee Somaliya

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa hanjabaad ku soo dhawaysay madaxweynaha cusub ee loo doortay maamul-goboleedka Puntland ee Somaliya Cabdiweli Cali Gaas, waxaanay uga digtay cawaaqib-xumo ka dhalan-karta farogelin uu ku soo sameeyo xuduudda Somaliland.

Madaxweynaha Cusub ee Maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Cali Gaas, ayaa wakhtigii uu ololaha doorashada ku jiray dhowr jeer soo qaaday inuu gacanta maamulkaas ku soo celin doonto gacan ku haynta gobollo ay doodaan inay kaga maqan yihiin Somaliland, kuwaas oo maamulkaasi hayb ahaan ku sheegtaan.

xirsiHaddaba, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali X. Xasan, ayaa ugu horeyn soo dhaweeyey maamulka cusub ee loo doortay Puntland,  balse waxa uu uga digay inay farogelin ku sameeyo gudaha xuduudda Somaliland la wadaagto Somaliya.

“Meesha la yidhaahdo Puntland waa qidcad ka mid ah Soomaaliya, waxaana maamulkeeda u tartamayey cid Soomaaliya ah, guud ahaanna Somaliyana waxaan u rejaynaynaa badhaadhe iyo barwaaqo, kii ku guulaystana waxaan u rejaynaynaa guul,” ayuu yidhi Wasiirka madaxtooyadu.

“Waxaanu reer Somaliland ahaan ka digaynaa in lagu xad-gudbo taako ka mid ah dhulkayaga.Waxaan Saxaafadda ka maqlayey iyada oo ay rag badani ku ololaynayaan inay Laascaanood iyo dalka Somaliland meelo ka mid ah u soo ololayaan.

Waxaanu leenahay aynu nabad kuwada noolaano, kama xumin inay Somaliya nabdoonaato, kama xumin cid kasta oo ku guulaysata, waanu u hambalyeynaynaa, laakiin taako ka mid ah dhulkayaga hadday ku soo xad-gudbaan wixii ka yimaadda iyagaa qaba, ma oggolin taako ka mid ah dhulkayaga marnaba inay gorgortan gasho cidna kama oggolin,” ayuu hadalkiisa raaciyey wasiir Xirsi.

Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu xusay inay Somaliland tahay dal dimuqraaddi ah oo xuduudihiisu sugan yihiin isla markaana beesha caalamku ka war-hayso xasiloonida iyo nabadda ka jirta, “Somaliland waa dal Dimuqraaddi ah, nabdoon, duniduna ay ku ixtiraamto sida uu yahay xuduudihiisuna sugenyihiin oo la yaqaano, cid kasta oo ku soo xad-gudubtana waxaanu dhawaaq dheer iyo mid hoose ugu sheegaynaa inay kala kulmi doonto cawaaqib-xumo wixii ka yimaaddana ay iyaga guudkooda ahaan doonto,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo maanta war-fidiyeennada ugu warramayey madaarka Hargeysa oo wefti uu ka tirsan yahay uga amba-baxeen safar shaqo oo ku tageen dalka Itoobiya.

SOMALILANDPOST.NET