Xukuumadda Somaliland oo Guddi baadhitaan u xil-saartay Dilalka Qorsheysan ee Laascaanood

Golaha Wasiirrada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa guddi heer wasiir ah u xil-saartay Xaaladda ammaanka iyo dilal qorsheysan oo ka dhaca magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka, kuwaas oo lagu bartilmaameedsado masuuliyiinta hay’adaha Dowladda.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, Fadhi ay maanta yeesheen Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga hadlay xaaladda guud ee ammaanka dalka, gaar ahaan dilal qorsheysan oo muddooyinkii u dambeeyey ka dhacayey magaalada Laascaanood.

War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada waxa lagu yidhi:- “Fadhigii 79aad ee Golaha Wasiirrada Sonmaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa war-bixino lagaga dhegeystay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Horumarinta Caafimaadka iyo Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland.

Waxaana ugu horrayn Golaha Wasiirrada war-bixin la xidhiidha amniga, nabadgelyada guud ee dalka. Wasiirku waxa uu si gaara uga hadlay xaaladda amni ee gobolka Sool, waxaanu golaha la wadaagay dilalka soo noq-noqday ee gobolka Sool, isla markaana waxa goluhu u saaray guddi ka kooban wasiiro sidii arrintaas xal loogu helo.”

Labadii bilood ee u dambeeyey waxa magaalada Laascaanood ka dhacay Dilal lagu bartilmaameedsaday Guddoomiyihi guddiga Doorashooyinka ee Gobolka Sool Allah ha u naxariistee Cabdilaahi Laba Go’le oo koox dabley ahi ku dishay gudaha Laascaanood 1-dii bishii August ee sannadkan iyo Marxuum Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Cilmi oo ka tirsanaa Golaha Deegaanka ee Degmada Laascaanood, kaas oo dabley hubaysani toddobaadkan ku dileen gudaha magaaladaas.

Dhinaca kale, waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay in Golaha Wasiirrada Somaliland ka doodeen muhiimadda ay saxaafaddu ugu fadhido Qaranka iyo ka-hortagga faafinta wararka ku-tiri-kuteenka ah.

“Golaha Wasiirradu iyagoo maanka ku haya ahmiyadda balaadhan ee ay dalka ugu fadhido warbaahintu iyo in ay tahay tiir ka mid ah dhismaha dawladda iyo dimuquraadiyadda, hase yeeshee iyadoon laga tegay wixii lidi ku ah diinta, dhaqanka iyo amniga dalka ee cadawgu ugu soo gabanayo ama u soo dhexmarayo xoriyada saxaafadda, waxa goluhu xusay in loo raaci doono sharciga dalka Jamhuuriyadda Somaliland, cidii loo arko inay dhibaato ku tahay qaranka,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net