Xukuumadda Somaliland oo Farriin Hanjabaad iyo Digniin Xambaarsan u dirtay Dawladda Soomaaliya

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqday inay faraha kala baxdo fad-qalallada iyo falalka amni-darrada abuuraya ee ay ka waddo gudaha Somaliland.

warancaddeWasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay inay Dawladda Soomaaliya fad-qalalo iyo faro-gelin dhinaca ammaanka ah ka waddo gudaha Somaliland.

In kasta oo Wasiirku aanu Caddeyn faro-gelinta ammaan ee Soomaaliya ka waddo gudaha Somaliland, waxa uu hadalka wasiirku u muuqda mid jawaab-celin digniin xambaarsan ah uu ugu dirayo Xildhibaanno ka tirsan Dawladda Soomaaliya oo maanta booqasho ku tagay magaalada Buuhoodle,  kuwaas lagu wado inay ka qayb-galaan shir Kooxda Khaatumo ku qabsanayso magaalada Taleex.

Xildhibaannada Soomaaliya iyo xubno kale, ayaa magaalada Buuhoodle ku yimi diyaarad ay ka soo raaceen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Cali waran-cadde oo Maanta ka hadlayay Munaasibad lagu qabtay Hargeysa, ayaa ku hanjabay inay dhiig iyo dheecaanba u hurayaan dhismaha dawladnimo ee Somaliland iyo xuduudaheeda.

“Waxaan Halkan Digniin uga dirayaa Cadawga Somaliland ee ka naxay Aqoonsiga Caalamku u qiray Somaliland, waxaanu aad uga xunahay dawlada yar ee ka dhisan Muqdisho, in ay aad uga naxeen  Aqoonsiga Caalamku siinayo Somaliland,” ayuu yidhi Md Cali Waran-cadde.

Waran-cadde ayaa isagoo hadalkiisa sii wata waxa yidhi, “Waxaanu u aragnaa inay Somaliland gudaheeda ka waddaan fadqalalo iyo kharbudaad, waxaanu nahay ummad aan loo dhuuman Karin, waxaanu si weyn isha ugu haynaa oo aanu u eegeynaa dhaqdhaqaaqa dawladda Soomaaliya ay ka waddo gudaha Somaliland, waxaanu leenahay ha ku gubanina, waxaanu shacab iyo dawladba diyaar u nahay in aanu dalkayaga ku difaaci doono dhiigayaga, waxaanu diyaar u nahay in aanu kashifno ama dibada u soo saarno khiddad kasta qarsoon oo wax lagu yeelayo midnimada iyo wadajirka Somaliland, ummada Somaliland waxaan ugu baaqaya in ay wadajirkooda ilaashadaan,”ayuu yidhi Md Cali Waran-cadde.

SOMALILANDPOST.NET