Xukuumadda Somaliland oo digniin u dirtay Xildhibaannada Guulaystay iyo Taageerayaashooda

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa murshaxiinta ku soo baxa natiijada doorashada gobolka Maroodijeex iyo degmada Hargeysa uga digay inay sameeyaan wax dabbaal-deg ah.

Wasiirka oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxa uu sheegay in dabbaal-degga taageerayaasha murashaxiinta guulaystay ay sababi karaan rabshado amni-darro ku keeni kara magaalooyinka.

Wasiir Maxamed Kaahin waxa  uu sheegay in xildhibaanadda guulaystay iyo taageereyaashoodda loo ogol yahay in ay qabsan karaan munaasibo kooban oo aanay rebshado ka dhalan karin.

Hadalka Wasiirka kaga bogo Muuqaalka Hoose