Xukuumadda Somaliland oo Digniin ka soo saartay Dhawaaqyo Ka Soo yeedhay Xisbiyada Mucaaradka

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa gebi ahaanba mabnuucday isu-soo-baxyo ay Xisbiyada Mucaaradka iyo taageerayaashoodu si gaar ah ugu dabbaal-degayaan xuska 31-guurada maalinta madax-bannaanida Somaliland ee 18-ka May.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID, ayaa taageerayaashooda ugu baaqay inay si ka duwan qaban-qaabada xukuumadda u xusayaan dabaal-degga maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May.

Dhawaaqa ka soo yeedhay Xisbiyada Mucaaradka ee ku saabsan xuska dabbaal-degga 18-ka May, ayaa noqonaysa markii u horeysay Somaliland ee xisbiyo mucaarad ahi ku baaqaan inay si gaar ah ugu dabbaal-degayaan Xuska maalinta Qaranimada 18 May oo ah mid ay weynaynteeda ka midaysan yihiin Shacabka Somaliland.

Wareegto uu maanta soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, ahna guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada xuska 18 May, Md Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu ku sheegay inay guddi ahaan diyaariyeen fagaareyaal loogu talo-galay dabbaal-degga xuska 18 May, kuwas oo uu sheegay in lagu marti-qaaday xisbiyada qaranka.

Wasiir Maxamed Kaahin waxa uu meesha ka saaray inaanay jiri doonin munaasibado iyo fagaareyaal kale oo cid gaar ahi u qaban-qaabiso xuska 18 May, waxaanu hay’adaha ammaanka iyo kuwa fulinta sharciga dalka ku amray inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadan cid kasta oo ka hor timaadda awaamiirta Guddiga heer Qaran ee Qaban-qaabada xuska 18-a May.

Wareegtada uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa u qornayd sidan:-

Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u diyaar garoobayaan dabaal-degga xuska sannad-guurada 31aad ee maalinta qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May 2022 iyaga u heegan ugu jira maamuuska iyo waynaynta maalinta Ia soo noqoshada xoriyadda qaranka.

Guddidu iyada oo cuskanaysa qodobka 37aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, qodobkaasi oo qeexaya qaab-dhismeedka qaranka, awoodda iyo karaamada qaranka, Cuskanaysana wareegtada Madaxwaynaha JSL uu ku magaacabay Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabada xuska 18 May, waxa ay diyaarisay fagaareyaaI lagu qabanayo xuska 18 May oo loogu talo-galay in dhammaan bulsho-weynta reer Somaliland kaga soo qayb gasho, laguna martiqaaday xisbiyada qaranka ee Kulmiye, Waddani iyo UCID.

Haddaba. si too adkeeyo wada-jirka, midnimada, nabad-galyada iyo degganaanshaha qaranka, waxa reebban qaban-qaabo kasta, noocay doonto ha ahaatee, oo aan ahayn qaban-qaabada ay Guddida Heer Qaran agaasintay.

Sidoo kale, waxa la farayaa hay’adaha amniga iyo fulinta sharciga ee qaranka in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cidkasta oo ka hor timaadda awaamiirta Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabada xuska 18 May.” Sidaas ayaa lagu sheegay wareegtada uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, ahna guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada xuska 18 May, Md Maxamed Kaahin Axmed.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net