Xukuumadda Somaliland oo Dhawaaqyada Soomaaliya ku tilmaantay mid Bulshada Caalamka lagu marin-habaabinayo

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon)

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay Dawladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ku cambaaraysay Xafiiska diblumaasiyadeed ee Taiwan ka furatay Somaliland.

War-saxaafadeed Shalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in Dawladda Soomaaliya ay doonayso inay marin habaabiso Bulshada Caalamka, sidaasi darteed Jamhuuriyadda Somaliland layaaban tahay Hab-dhaqannada Dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon)

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland way aragtaa Fal-celinta Soomaaliya ee Xafiiska Taiwan ka furatay Somaliland mid layaab leh oo marin habaabinaya Ummadaha Adduunka.” Ayaa lagu sheegay War-saxaafadedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland, kaasi oo intaa ku daray in xidhiidhka Cusub ee Taiwan uu ka mid yahay xidhiidhadii Somaliland ay Dalalka kale ee dunida la lahayd “Jamhuuriyadda Somaliland waxay hore u lahayd Xidhiidho diblumaasiyadeed iyo xidhiidho wax ku ool ah oo ay la lahayd Waddamada Afrika, Yurub iyo Aasiya. Xidhiidhka cusub ee Taiwan wuxuu ka mid yahay Iskaashiga Muddada dheer  ay Somaliland la lahayd Beesha Caalamka.”

Wasaaraddu waxa kale oo ay sheegtay “Jamhuuriyadda Somaliland waxay doonaysaa inay ku celiso in xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan uu ku salaysan yahay qiyamka aanu wadaagno ee xorriyadda, Nabadda iyo Dimuqraadiyadda” ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka, kaasi oo intaa sii raaciyey “Dawladda Somaliland waxay uga digaysaa Maamulka Soomaaliya inuu ka waantoobo hadallada aan Caqli-galka ahayn iyo qoraallada aan summadda lahayn ee lagu marin habaabinayo Adduunka.”

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay sheegtay “Somaliland waa dal Madax-banaan oo Masuul ah, kaasi oo tixgeliya Arrimaha dalalka kale..”ayaa lagu War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland.

Somaliladpost.net

Hargeysa/Somaliland