Xukuumadda Somaliland Oo Dhambaal Tacsiya u gudbisay Dawladda Kenya

[H]argeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa caawa Dhambaal Tacsi ah u dirtay dawladda iyo Shacbiga dalka Kenya oo ay ka tacsiyadeysay geeridda Wasiirkii Amniga Kenya George Saitotiiyo Ku xigeenkiisi Orwa Ojode, oo labaduba shalay ku dhintay shil-diyaaradeed oo ka dhacay galbeedka dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo caawa  u waramayay shabakadda wararka ee Somaliland.Org, ayaa sheegay inay xukuumadda Somaliland ka tiiraanyaysan tahay geerida Wasiirkii Amniga Kenya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Anigoo ku hadlaya magaca xukuumadda Somaliland waxaanu ka tiiraanyaysan nahay  geeridda  Wasiirkii Amniga Kenya George Saitoti iyo Ku xigeenkiisi Orwa Ojode oo  maanta ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay galbeedka dalkaasi.”

 “Xukuumadda Somaliland waxay dhambaal Tacsi ah u diraysaa dawladda iyo shacbiga Kenya, waxaanu Wasiirka amniga ee geeriyooday ka mid ahaa saaxiibadda Somaliland. Isagoo hore u ahaa Madaxweyne Ku xigeen, isla markaana muddo ku sime ka ahaa Wasaaradda Arrimaha dibadda oo aanu shirar badan iskugu nimid oo aanu wada shaqaynay,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.

Wasiirka Khaarajiga oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaanu dawladda Kenya u gudbinaynaa inaanu la qeybsanayno tiiraanyadda wasiirkoodii amniga iyo Wasiir Ku xigeenkiisii.”

George Saitoti wuxuu ahaa 66 jir, waxaanu  ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan dalka Kenya, iyadoo lagu waday inuu isu soo sharixi doono dhawaan madaxweynaha dalkaasi.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net