Xukuumadda Somaliland oo Beesha Caalamka u Gudbisay Mowqifkeeda Khilaafka Siyaasiga ah ee Dalka

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa xisbiyada mucaaradka ku eedaysay khasaaraha ka dhashay rabshado maanta ka dhacay magaalada Hargeysa, kaddib markii xisbiga Waddani bannaan-bax ka sameeyeen badhtamaha caasimadda.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo lagu socodsiiyey beesha Caalamka iyo saaxiibbada Somaliland, ayaa lagu sheegay xukuumaddu ka xun tahay dhacdadii maanta oo ay ku tilmaantay tallabo ka hor-imanaysa shuruucda iyo qawaaniinta dalka.

“Dowladda Somaliland waxa ay ka xuntahay dhacdadii maanta Hargeysa oo ahayd mudaharaad aan loo baahnayn oo xisbiyada mucaaradku soo abaabuleen, kuwaas oo ka hor-imanayey shuruucda iyo qawaaniinta u dejisan Somaliand oo ku jira Xeer lambar 51/2012,” sidaas ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland wax ay xustay inay diyaar u tahay sii-socoshada wada-hadallada xisbiyada Mucaaradka.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, waxa ay qiraysaa kaalinta ay noogu jiraan Beesha caalamka iyo daneeyayaasha geedi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland.”

“Xukuumad ahaan, waxa nagu waajiba inaanu ilaalino badbaadada iyo ammaanka muwaadiniintayada annagoo sii wadi doono wada hadaladii noo socday, waxaanu ku dhiirigelinaynaa xisbiyada mucaaridka ah inaanay ka bixin xayn-daabka wada-hadallada,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland, ayaa isku khilaafay mudaharaadka ay maanta ka sameeyeen magaalada Hargeysa, waxaana bannaan-baxa ku kalliyeystay xisbiyada Waddani. Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Warabe, ayaa sheegay inaanay mucaarad ahaan isku ogeyn bannaan-baxa oo uu sheegay inay u muddeeyeen maalinta Sabtida ee toddobaadka soo socda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net