Xukuumadda Somaliland Maxay ka tidhi Qorshaha Sucuudigu kaga Fiirsanayo GEELA Soomaalida ee loo dhoofiyo dalkiisa?

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay, dhawaaq dawladda Boqortooyada Sucuudigu shaacisay inay waddo, isla markaana ay socoto doodda ay ka leeyihiin go’aan ay ku joojin doonaan Xoolaha Geela ee uga dhoofa dalalka Geeska Afrika oo ay ka mid yihiin dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, taasoo haddii uu Sucuudigu ku dhaqaaqo dhibaato dhaqaale ku keenaysa waddamada Afrika ee aynu ka midka nahay.

geelDr. Tariq Madani, oo Madax ka ah Golaha Talinta ee Wasaaradda Caafimaadka Sacuudiga oo loo abuuray Xakamaynta Xanuunka Neefsashada Bariga Dhexe (MERS), ayaa sheegay inay wakhtigan baadhitaan ku wadaan Geela Dekedahooda taga intaan la siinnin oggolaansha ay dalkooda ku galayaan Gaadiidka Badda ee Geelaas qaadaa.

“Waxa jira shaki aan ka qabno in Xanuunka laga soo dhoofiyey Geela ganacsiga uga yimaadda Geeska Afrika, inkastoo weli caddeymo suggaya la haynin.” ayuu Madani u sheegay Wakaallada Wararka ee Reuter oo wareysi kula yeelatay magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga.

Dr. Madani ayaa sheegay in go’aan kama dambays ah oo lagu joojinayo Geela loo soo dhoofiyo Sacuudiga waddamada Geeska Afrika awood u leeyahiin Wasaaradda Beeruhu ku dhawaaqistiisa, balse weli aanay soo saarin go’aan lagu joojinayo, inkastoo Saraakiil ka shaqeeya Wasaaradda Beeruhu u sheegeen inay socoto go’aankaas dooddiisu. “Waxaan ka soo dhoofsan jirnay Geela waddamada Geeska Afrika….Laakiin, waannu joojin doonnaa illaa aannu helayno macluumaad dheeraad ah inay Xanuunkaa qabaan iyo inkale.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey oo uu yidhi Dr. Madani.

Dr. Jaamac Maxamed Odowaa oo ah Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo Wargeyska HIMILO shalay wax ka weydiiyey Xogaha ay ka hayaan hadalka ka soo yeedhay Sarkaalka sare ee Xukuumadda Sacuudiga ka tirsani ku sheegay inay joojin doonaan Geela uga Dhoofa Somaliland iyo Soomaaliya inta ay hubinayaan inuu qabo Xanuunka MERS iyo inkale, ayaa ku jawaabay; “Waan la soconbaa Xanuunka MERS oo ku dhaca Geela, una gudbi kara dadka ka shaqeeya, sannadihii u dambeeyeyna dad badani ugu dhinteen dalka Sacuudiga.

“Qalabka Xanuunkan lagu baadhaa dunnida wuu ku cusub yahay, innaga weli innama soo gaadhin, laakiin wax digniin ah oo dhinaceenna dalka Sacuudigu ka soo saaray weli nama soo gaadhin.”

Agaasimaha-guud-x.-xoolaha-Dr-OdowaaMar la weydiiyey maaddaama oo uu Sarkaal sare oo Sacuudiga ka tirsan laga soo xigtay inay joojin doonaan Geela looga dhoofiyo waddamada Geeska Afrika inuu jiro wax xidhiidh ah oo Masuuliyiinta Sacuudigu kala soo yeesheen ama iyagu (Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland ahaan) kala samaysay ayuu ku jawaabay; “Maya, ma jiro wax xidhiidh ah oo Sacuudigu arrinkaa nagala soo yeeshay, iyo mid aanbu annagu weli kala yeelannay toona, maaddaama oo aannaan warar sugan haynin. Sidoo kale haddii Xoolo dhinaceenna ka tegay ay ka helaan ayey joojin karaa, laakiin, halla wada joojiyo go’aan ah macquul ilama aha.”

Agaasimaha guud ee Xannaanada Xoolaha Somaliland mar la weydiiyey maaddaama oo uu Sacuudigu sheegay inay sii joojin doonaan Geela loo dhoofiyo illaa ay macluumaad dheeraad ah helayaan waxa Wasaarad ahaan uga qorsheysan, waxa uu ku jawaabay; “Markabkii u danbeeyay ee ka baxa Dekadda Berber 6 cisho ka hor waxa la saaray 200 oo Neef oo Geel ah, lamana joojin Geela ee wuu socdaa. Arrintaa baadhitaan iyo daba-gal ayaannu ku samayn doonnaa, waxay ka qabaan. Suuqeenna ugu weyn ee lagama maarmaanka u ah Xoolaheenna ayuu ka mid yahay Sacuudigu, maaddaama oo Geela ugu badan aynu u dhoofinno.” ayuu yidhi Dr. Odowaa.

Tirada dadka uu haleelay una dhimatay Xanuunka MERS dalka Sacuudiga, ayaa sare u kacday, ka dib markii dib u hubin loogu sameeyey tirooyinkii ay hore loo diiwaangeliyey, taasoo ka dhigaysa 688 inta uu haleelay, halka tiro gaadhaysa 282 la sheegay inay ku dhinteen.

Bishan horraanteedii, Wasiirkii labaad ee Wasaaradda Caafimaadka Abdel Fakieh ayaa xilkii laga qaaday, halka bishii April Boqortooyada Sucuudigu xilka ka qaadday Wasiirkii hore Caafimaadka Abdullah Al-Rabeeah, ka dib saamaynta Xanuunka MERS ku yeeshay dalkaas.

Saraakiisha Sacuudiga, oo ay ku jiraan Wasiirrada ayey qaar ka mid ah khubadara caalamku ku dhaleeceeyeen sida ay u waajaheen xaaladda wax-ka-qabashada iyo ka hor-tagga Xanuunkan iyo inay ka gaabiyeen wada-shaqeyn ay kala yeeshaan xarumo baadhitaan oo ka caawinayey baadhitaanno lagu sameeyo Xanuunkaas.

Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO oo qoraal ka soo saartay calaamadaha lagu garto, sida la isugu gudbiyo iyo sida loo daweeyo xanuunkaas, ayaa lagu sheegay in Xanuunkani haleelo habka neefsashada, calaamadaha lagu gartana ka mid yihiin Madax-xanuun, Qufac iyo Neefsashada oo adkaata.

Xanuunkan MERS oo sannadkii 2012 lagu arkay dalka Sacuudiga ayey WHO sheegtay inaanay weli sugnayn qaabka laysugu gudbiyo, balse Xanuunku isaga gudbi karo marka qof qaba Candhuuftiisu ku gaadho, illaa wakhtiganna aanay jirin dawo loo helay Xanuunka MERS.

Joojin kasta oo dalka Sacuudigu saaro Ganacsiga Geela uga dhoofa Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa saamayn weyn ku yeelan doonta dhaqaalaha dalalka Afrika, maaddaama oo Ganacsiga ugu badan ee Xoolaha Geelu ka midka yahay loo dhoofiyo dalkiisa.

 

XIGASHO: Himilo