Xukuumadda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo oo heshiiyey sidii loo xoojin lahaa Midnimada & Qaranimada Somaliland iyo Nuxurka qodobbada laysla af-gartay

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland iyo maamulka Khaatumo oo uu hoggaaminayo Prof Cali Khaliif Galeydh, ayaa maanta kala-seexday heshiis dhowr qodob ka kooban oo jidaynaya sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo wada-jirka Somaliland.
Kulan maanta ku qabsoomay magaalada Hargeysa oo ay goob-joog ka ahaayeen Xukuumadda Somaliland, xisbiyada Kulmiye iyo UCID iyo masuuliyiinta ugu sarreysa kooxda Khaatumo, ayaa lagu go’aamiyey sidii heshiis rasmi ah oo lagu xoojiyo midnimada Somaliland ee meel looga soo wada-jeesan laahaa.

Hoos ka daawo Muuqaalka Waranka oo dhammeystiran