Xukuumadda Siilaanyo oo Gogaankii Golaha Wakiiladu uu Ku Laalay Kiraynta Haamaha Shidaalka Sharcidaro Ku Tilmaamay, Sheegayna Inay Kiraynayaan

download (4)

 

Hargeysa(SLpost)-Masuuliyiinta wasraada ganacsiga iyo maareeyaha haamaha shidaalka oo wada jir shir jaraa’id u qabtay ayaa beeniyay in warbixintii golaha laga hor akhriyay ay iyagu bixiyeen, waxa ay ku tilmaameen xildhibaanada in ay wax sharciga baalmarsan ay keeneen, isla maraasna ay kiraynii haamaha shidaalka sii wadi doonaan.

wasiirka wasaarada ganacsiga Muuse Qaasim Cumar oo ugu horayntii warbaahinta la hadlay waxanuu yidhi “Waanu isla soo qaadnay in la kireeyo heshiiskiina waanuwadnay baarlamankuna waa ay noo yedheen waanuna u sheegnay in shirkadii awlba ku shaqaysan jiray ee ay haamuhu ka kiraysnanjireen inaan ka kiraynayno ayaanu u sheegnay, waxay na waydiiyeen miyay dhamaatay, waanuna u sheegnay inay socoto, ilaa hadana hawshii sidii ayaanu u wadnaa, wali wax heshiis ahna umaanu gudhin, markaanu dhamaynona waanu u gudbin doonaa.”

56cf3eba0d6f8b5039a0b62324be10d7_L

maareeyaha haamaha shidaalka Saleebaan Siciid Cali ayaa isaguna dhankiisa waxa uu halkaas ka yidhi“Waxa uu sheegay inaanay guddida siin xog sheegaysa in Haamaha kaydka shidaalka sanadkii laga helo lacag ku dhaw 24 Milyan oo dollar “Markii guddida aanu kulanay waxaan xilka hayay sanad buuxa, markaa warbixintii shalay guddidu golaha hor keentay waxaanu anagu u sheegnay iyo hanaan xisaabeed ay anaga naga heleen midna may ahayn. Runtii waxaanu u soo gudbinay odoroska miisaaniyaddayada 2015-ka, markaa shalay golaha wakiiladu waxay sheegeen in kharash dhan 24 Milyan haamaha ka soo baxaan, runtii waa arrin la yaab u leh. Kharashka aanu ku shaqaynaa waa kii goluhu noo ansixiyay 2014, kii sanadkii ka horeeyayna waanu ku shaqaynaa, waxaanay martaa hab xisaabeed adag oo litirkasta oo shidaal ah cashuurta ama adeegga laga qaado maalinleh iyo sanadleh ba xisaab adag bay martaa,” ayuu yidhi Sheekh Saleebaan.

Waxa uu intaasi raaciyay Maareeyuhu “ Markaa Warbixin aanan u gudbin ayay xildhibaannadu yidhaahdeen maamulkii haamaha ayaa noo soo gudbiyay, markaa anagu warbixintaas umaanu gudbin. Waxaan leeyahay warbixintaa golaha laga akhriyay anagu maanu gudbin, muddada aanu anagu kulanayna Buuqan iyo fawdadani may taagnayn oo bishii 5-aad ee sanadkan ayaanu kulanay, markaa xilli la nabad qabo ayaanu kulanay, warbixin fiicana way naga bixiyeen warbixin wanaagsana waanu kala qaadanay, kan maanta ee naloo sibir saaray aad buu noogu cuslaaday” ayuu yidhi Saleebaan.

image17

wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir ayaa isaguna dhankiisa luuqad adag kula hadlay xildhibaanada golaha wakiilada “La garan maayo waxay golaha wakiiladu ay laaleen xaqna uma laha inay ka hadlaan ama ay yidhaahdaan qaraar ayaanu ka soo saaraynaa heshii aanay u soo gudbin xukuumadda jamhuuriyada Somaliland iyaga oo ku shaqaynaaya warar kutirikuteen ah oo ay suuqa ka urursadeen, talaabadan ay maanta qaadeen waa mid khilaafsan shuruucda dalka iyo dastuurka Jamhuuriyada  Somaliland, talaabadan waxa ka danbeeya qaar ka mid ah asxaabta siyaasada kuma haboona in mashaariicda horumarinta qaranka lasku hortaago oo lagu carqaladeeyo dano siyaasadeed oo xiligoodu gaaban yahay, xukuumadda waxa ka go’an inau dadaal u gasho sidii bulshada loo horumarin lahaa.”

Somalilandpost

Hargeysa Somaliland