Xukuumadda oo Xeerar ilaa Dawladdii Cigaal la Sugayey u Gudbisay Wakiillada

 

Hargeysa (SLpost) Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii ugu horeysay taariikhda waxaa ay maanta golaha wakiilada u soo gudbisay xeerar maaliyaddeed dhawr ah oo in badan loo cadilnaa lana sugayey.

 

Xeerarkan  ayaan wali golaha wakiilada la hor la keenin waxaana la sugaayey in golaha la keeno ilaa markii uu dalka madaxweyne ka ahaa Alle ha U naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

 

Xoghayha guud ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo arintaasi warbaahinta u cadeeyey ayaa waxaa uu yidhi “Waxaa maanta golaha wakiilada la keenay xeerar in badan la sugaayey ilaa markii uu dalka xukumi jiray Madaxweyne Cigaal”.

 

Xeerararka ay Xukuumaddu u soo gudbisay Golaha Wakiilada waxa ka mid ah.

  1. Xeerka Kastammada
  2. Xeerka Qandaraasyada
  3. Xeerka Cashuuraha
  4. Xeerka Hanti Dhawraha Guud
  5. Xeerka Ilaalinta Maaliyada Iyo Xisabaadka.